Daawo Qaxooti Yurub ku yaacay oo Qasaaro iyo Qatar baaxad weyn qabsatay

Saturday, August 16, 20140 comments

Qaxooti ka yimid Qaarada Africa ayaa waxaa qabsatay qasaaro baaxad weyn oo aysan fileenin ka dib markii ciidamada xuduudaha dalka Spain ay ugu hanjabeen inay Maaso ama Koronto dhulka ku soo dhigayaan xili ay Qaxootigaan isku dhajiyeen Silig aad u dhirir badan.

Dhibkaan oo ka dhacay Jasiirada Melilla ee u dhaxeeysa dalalka Spain iyo Marooko ayaa waxaa deegaankaas ku soo yaacay boqolaal qaxooti Africaan ah balse ciidamada milatariga xuduudaha Spain oo inta badan dadkaan dib u celiyay ayaa waxeey dhib weyn kala kulmeen 70 ka tirsan Qaxootigaan oo fuulay waliba diiday inay ka soo degaan siliga dheer ee kala qeeybiya Magaalada Melilla iyo xuduuda Spain. 

Qaxootigaan oo in ka badan 6 saacadood saarnaa shabaqa ama siliga dheer ee xuduuda ayaa ugu dambeeyntii waxaa loogu hanjabay in Maaso koronto ah loogu xiri doono siliga waxaana markii ay daaleen lagu wareejiyay ciidamada xuduudaha Marooko oo ah halkii ay markii hore ka soo tahriibeen.











_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog