Daawo Qabiilka Kurdiga oo Tikniko qoryaha Dhashiikaha ah helay & kooxda ISIS oo xaalada ku xumaatay

Tuesday, August 19, 20140 comments

Ciidamada qoowmiyada Kurdiga ee ka dagaalamaya waqooyiga dalka Ciraaq ee (PDK) ayaa Tikniko aad u fara badan loogu deeqay si ay iskaga caabiyaan maleeshiyaadka ururka Daacish ee loo yaqaan (ISIS). Qoryaha Tiknikada ah ee la siiyay qoowmiyada Kurdiga ayaa waxaa u badan gawaarida uu saaran yahay Qoriga Dhashiikaha loo yaqaan.

Dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhaca dalka Ciraaq gaar ahaan nawaaxiga magaalada caanka ah ee Masool waxeey ciidamada Kurdiga (Peschmerga) kula wareegeen deegaano fara badan oo horay looga qabsaday sida gacanka dab dhaliyaha ah ee (Staudamm) .

Jabka ISIS qabsaday ayaa waxaa sabab looga dhigay duqeeynta ciidamada cirka Mareeykanka iyo kuwa Faransiiska halka wadamo badan oo Islam ah ay ka soo horjeesteen hab dhaqanka kooxda la magac baxday kooxda Islaamiga ah ee dalalka Ciraaq iyo Syria waxaana ka mid ah wadamada sida weyn uga soo hor jeeda sida Saudi Arabia, Masar, Qatar, Turkiga iyo Iiraan .












_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog