Waxaa Saakay Qarax Miino ay ku dhinteen Haween ka shaqeenayay ololaha Nadaafada Gobolka Baaadir uu ka dhacay Xaafada Taleex gaar ahaan agagaarka Carwadii hore ee Degmada Hodan.
Qaraxa ayaa la sheegay in lagu qariyay goob qashin qub ah ,waxa uuna uu ku qarxay Haween halkaasi ka waday olole nadaafadeed, iyadoona qaraxa kadib xaalada goobta ay mar qura ay is badashay.
Inta la xaqiijiyay ilaa 3- qof oo kamid ahaa Haweenka Nadaafada ka shaqeenayay oo loo yaqaano Malaamileey ayaa ku dhintay qaraxaasi tiro kale oo badana dhaawacyo kala duwan ayaa kasoo gaaray.
Ma jiro ilaa hada cid sheegatay Masuuliyada qaraxan ay ku dhinteen Haweenka ka shaqeenayay Nadaafada , mana ahan markii ugu horeesay qarax Miino lagu dilo haweenka ka shaqeeya Nadaafada Magaalada Muqdisho kuwaa oo u badan danyar caruurtooda ka korsada raashinka lagu siiyo ololaha nadaafada.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com