Sadax Nin uu ku jiro Ninkii Fududeeyay Weerarkii Madaxtooyada oo la toogtay (Daawo Sawirada)

Sunday, August 3, 20140 comments

Maxkamada Ciidanka qalabka sida Dowlada Soomaaliya ayaa saakay xukun dil ah waxa ay ku fulisay Sadax nin oo katirsanaa Xarakada Al-Shabaab uu ku jiro ninkii fududeeyay Weerarkii dhawaan lagu qaaday Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya.

Sadaxda Nin ee saakay lagu toogtay fagaaraha Iskool Bolosiya ayaa lagu helay Dambiyo la xariira in ay Al-Shabaab katirsanaayeen ayna ka qeyb qaateen Dilal iyo qaraxyo ka dhacay qeybo kamid ah Magaalada Muqdisho.

Sadaxda nin ee saakay la toogtay ayaa lagu Magacaabi jiray Xasan Muxudiin Xasan oo ahaa ninkii fududeeyay weerarkii madaxtooyada Villa Soomaaliya laga qaaday, Aadan Maxamed Xasan iyo Bashiir Xasan Maxamed oo iyaguna lagu eedeeyay in ay Dilal ka geesteen Magaalada Muqdisho.

Maxkamada Ciidanka Qalabka sida ee Dowlada Soomaaliya ayaa maalmihii ugu dambeesa kordhisay xukunada dilka ah ee lagu fulinayo dadka lagu helo in ay katirsan yihiin Xarakada Al-Shabaab laguna helo in ay dilal iyo qaraxyo ka geesta Magaalada Muqdisho. 



















_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog