Daawo Sawiradda R/wasaaraha Dowlada oo Kullan xasaasi ah la qaatay Ururada Bulshada

Monday, August 18, 20140 comments

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa maanta kulan la qaatay qeybaha bulshada Rayidka ah, isaga oo la tashi ballaaran kala sameeyay qaabka loo wajahayo Amniga Caasimadda iyo Hiigsiga sanadka 2016.

Kulanka sidoo kale waxaa ka qeyb-galay Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow, Guddoomiyaha guddiga Difaaca ee Barlamaanka Soomaaliya, Mudane Xuseen Carab Ciise, Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Xafiiska Qaramada Midoobay ee Xuquuqul Insaanka Yuusuf Beri Beri iyo xubno kale.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow oo ugu horeyn kulanka ka hadlaya ayaa uga mahadceliyey ururrada Bulshada rayidka ah, sida ay diyaarka ugu yihiin gacan siinta dowladda, islamarkaana Xukumadda ay qaadan doonto talooyinka ay soo jeediyaan ururrada bulshada rayidka.

Sidoo kale intii uu socday kulanka Ra’iisul Wasaaraha iyo bulshada rayidka waxaa diiradda lagu saaray qaabka ugu habboon ee bulshada rayidka ah iyo dowladdu u yeelan karaan wada shaqeyn, iyadoo inta badan su’alaaha lasoo jeediyay u badnaayeen howlgallada ay laamaha amnigu ka wadaan magaalada Muqdisho. Waxeyna ka codsadeen Ra’iisul Wasaaraha in la dar-dargeliyo howlaha xukuumadda, gaar ahaan amniga iyo aruurinta hubka sharci darrada ah ee yaala magaalada.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed oo kulanka ka hadlay ayaa mahadcelin kaddib hoosta ka xariiqay in Xukuumadda uu hoggaamiyo door muhiim ah ay siinayso Ururada Bulshada Rayidka.

“Ururada Bulshada Rayidka ah waa aasaaska Qaranka, doorkiina waa muhiim, Xukuumaddu aad iyo aad bey idiin soo dhoweyneysaa. Tallooyinkiina iyo wadatashigiina muhiim bey noo tahay, door weyn baad ka cayaari kartaan xal u helidda mushkiladaha jira” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo ka codsaday in si wada jir ah loogu guntado sidii loo samatabixin lahaa dalka, balse aan lagu eegan oo kaliya dowladda.

“Dowladda, ururrada bulshada iyo guud ahaan shacabka oo isku duuban oo kaliya ayaa ka guuleysan kara caddowga, balse haddii tafaraaruq uu dhaco caddowga ayaa naga guuleysanaya, waxaan xukuumadu qaadanaysaa talooyinkii muhiimka ahaa ee aad soo jeediseen”

Ugu danbayntii Ra’iisul Wasaare Cabdiweli ayaa tilmaamay howlgalkii ciidamadda amnigu ay ka wadeen magaalada Muqdisho uu ku salaysnaa warbixino ay heleen laamaha amnigu, ciidamada dowladuna ay ku soo qabteen hub aad u faro badan oo halis ku ahaa amniga dalka.

Kulankii maanta ee ururrada Bulshada Rayidka uu la yeeshay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa qeyb weyn ka qaadanaya dadaallada ay dowladda Soomaaliya ugu jirto xasilinta dalka, gaar ahaan caasimadda, iyadoo go’aanka ka soo baxay golaha wasiirrada Soomaaliya lagu dhawaan uu ahaa xakameynta hubka sharci darrada ah.

--DHAMMAAD--

















_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog