Daawo Wariye “Waxaan arkay maydad laga gurayo Godka Jilacow”

Sunday, August 31, 20140 comments

Wararka ka imaanaya magaalada muqdisho ayaa sheegaya in ugu yaraan ay dhinteen sideed qof kaddib weerar lagu qaaday xarunta sirdoonka ee Soomaaliya.

Dagaal yahaniinta Al-shabaab ayaa sheegay inay siideeyeen maxaabiis ku xirneyd halkaasi.

Boolska Soomaaliya ayaa sheegay in qarax weyn uu dhacay, markaasi kaddib rasaas ay kooxda weerarka qaaday ku fureen dhismaha ciidamada sirdoonka.

Weriyaha BBC ayaa sheegaya in rasaas xooggan la is dhaafsaday, wuxuuna arkay maydad goobtaasi laga gurayay.

Weerarkan ayaa dhacay iyadoo dowladda Soomaaliya ay ku dhawaaqday duulaan ka dhan ah kooxda Al-shabaab.

Ciidamada Soomaaliya oo kaashanaya kuwa AMISOM ayaa shalay weerar ku qaaday deegaano ay Al-shabaab maamulaan, waxayna gacanta ku dhigeen qaar ka mid ah deegaanadaasi.









Xigasho: BBC









_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog