Xoogaga Islaamiyiinta ISIS ee ka dagaalama gobolo ku yaal dalalka Ciraaq iyo Siiriya ayaa waxa ay si toos ah ula wareegeen garoonka Diyaaradaha Al-Rakka oo dhanka Milatariga Siiriya ugu weyn waxaana garoonkaan horay u maamuli jiray ciidamada ka amar qaata Madaxweyne Bishaar Al Asad.
Garoonkaan Milatarigu lahaayeen oo ku yaalay magaalada Al-Rakka ee dalka Siiriya waxaa iminka si toos ah ula wareegay xoogaga Islaamiyiinta ISIS balse Fawaz Mustafa oo hogaamiya ciidamada Milatariga Siiriya ayaa Mareeykanka ku eedeeyay in hubkii uu dawlada Ciraaq siiyay ay kooxda ISIS ku qabsaneyso goob kasta oo muhiim ah .
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com