Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafdi oo uu hogaaminayey safaro shaqana ugu maqnaa dalka Dibadiisa Gaar ahaan Dalka Ethopia ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.
Madaxweynaha iyo Wafdigii uu Hogaaminayay ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Garowe si weyn ugu soo dhoweeyey Madaxweyne Ku xigeenka Puntland Cabdixakiin Cabdillaahi Xaaji Cumar Camey,Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Siciid Xasan Shire,Golayaasha Dawladda Puntland,Saraakil katirsan madaxtooyada Dowladda Puntland iyo saraakiisha sare ee ciidamada Puntland.
Dadweyne aad u fara badan Watayna Calamada Puntland iyo Soomaaliya kuna labisna dharka Hiddaha iyo Dhaqanka ayaa iyaguna ku diyaarsanaa Garoonaka diyaaradaha ee Garowe, waxayna si wanagsan uga qayb qaateen soo dhoweynta Madaxweyne Gaas iyo wafdiga uu hogaaminayey.
Soo dhaweyn kadib Madaxwaynaha iyo Masuuliyiinti la socday ayaa waxaa loo soo gudbiyay aqalka Madaxtooyada Dowaldda Puntland waxana halkaasi Warfidyeenka kula hadlay Madaxwayne Gaas,isagoona faah faahin kabixiyay Socdaalkii uu ugu maqnaa dalka Dibadiisa.
‘’Howsha aanu u tagnay Dalka Ethopia waxay la xiriirtay sii xoojinta xiriirka labada dal gaar ahaan dhanka Nabad galyada arimaha Bulshada,arimaha Ganacsiga oo muddo aanu kawada hadlayn oo ay ugu horayso in labada dal ganacsi furan yeeshan kastamiskii la fududeeyo ‘’Ayuu yiri Madaxwayne Gaas.
Madaxwaynaha Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa ugu dambeyn sheegay in Safarki uu ku tagay dalka Ethopia uu ku soo dhamaaday Guul iyo is afgarad.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com