Wararka naga soo gaaraya Xaafada Madiino, ayaa sheegaya in Ciidamada AMISOM iyo Nabadsugida ay la wareegeen gabi ahaan Hooyga Guddoomiyihii hore ee Degmada Wadajir Axmed Daaci.
Wararku waxa ay soo sheegayaan in Ciidamada ay la wareegay guriga Axmed Daaci ay ahaayen kuwa Dagaalka gurmad kusoo garal oo u badan kuwa Boliska iyo Militeriga AMISOM ah, waxaana weli la maqlayaa Rasaasta hoobiyaha iyo kuwa fud-fudud.
Ciidamada AMISOM ayaa Hoobiyayaal ku bur-buriyay Hooyga Axmed Daaci, iyadoona ay Ciidamadiisu sameeyen dib u gurasho, wallow warar kaasi khilaafsan ay sheegayaan in Ciidamo gurmad ah ay heystaan kuwa Axmed Daaci.
Dhanka kale, Dagaalka ayaa waxaa ka qeybqaadanaayo ku dhawaad 8-gaari oo ah kuwa gaashaaman ee AMISOM iyo 10 Cabdi-bile oo ay wataan Ciidamada DF.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com