Deg Deg ah. Barakac xoogan oo Saakay ka socdo Magaalada Muqdisho iyo AMISOM oo Xaafdaha ku garaaceysa Hoobiyayaal culculus

Friday, August 15, 20140 comments

Warka naga soo gaaray Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir, ayaa sheegaya in goor dhow uu halkaasi ka bilowday Qax xoogan oo soo food-saaray dadka Deegaanka oo saakay aroortii lagu bilaabay Hoobiyayaal aan loo meel dayin.

Wararku waxa ay sheegayaan in dadka Deegaanka ay ka cararayaan risaasta iyo Hoobiyayaasha ay ridayaan Ciidamada AMISOM oo iyagu ku jahwareersan Dagaalka, iyagoona Hoobiyaha ku ridaayo deegaano ay ku noolyihiin dad shacab ah.

Rasaasta iyo Hoobiyayaasha ay ridayaan Ciidamada AMISOM ayaa waxa ay galaafatay dad farabadan oo u badan shacab, waxaana jiro warar sheegaya in Dagaalka ay ku dhamaaden Ciidamo badan oo ka tirsan Nabadsugida.

Waxaa weli socda Dagaalka waxaana la maqlayaa Hoobiyayaal, iyadoona Saakay inta badan Degmada Wadajir ay haawineyso, islamarkaana wadooyinka qaar ay dhooban yihiin dad dhaawac iyo Meydad isugu jira.

Odayaasha Beelaha Hawiye ayaa aad u dhaliilay Dagaalka ay ka qeyb qaadanayaan Ciidamada AMISOM, waxa ayna sheegayaan in AMISOM looga baahnaa inay iska celiyaan Alshabaab.

Lama Oga sida uu xaalku ahaan doono, waxaana Goobta dagaalka gaaraya gurmad ka kala socdo dhanka AMIOSM, Nabadsugida iyo kuwa gaaraya Axmed Daaci.











_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog