Ila wareedyo kala duwan ayaa xaqiijiyay in 20 Doonyood oo sida hub nuucyo kala duwan iskugu jira inay ku wajahan yihiin Xeebaha Somalia gaar ahaan Hobyo,Xarardheere,Bosaaso iyo Baraawe.
Hubkaan oo laga qaaday dalka IRAN waxaa ka ganacsada rag ka tirsan Dowladda Somalia,Ganacsato iskugu jirta Somali iyo Iran iyo shaqsiyaad ka tirsan argagixisada Al-Shabaab .
Shabaakadaan ka ganacsato hubka Somalia oo shaqo bilaawday sanadkii 2007 waxay sanadkiiba laba jeer hub tira badan geeyaan Somalia gaar ahaan Puntland,Somaliland iyo Galmudug ,Jubooyinka,Shabeeladda hoose, Shabeeladda dhexe iyo Muqdisho.
Warbaahinta oo mudo dheer dabagal ku heeysay ayaa heshay qaar ka mida ragga ka ganacsada hubkaan Baasabooradooda -Fiisayaashii ay ku tageen Iran iyo shatigooda shaqada.
Waxay ahayd 2011 markii dalka Iran ay Muwaadiniintooda galeen Somalia iyagoo wata magaca shaqaalaha Bisha cas , Waxayna markiiba ka kiraysteen Muqdisho laba guri oo waawayn uuna leeyahay Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid iyadoo ilaa hada ay dagan yihiin ayna waardiyeeyaan qaar ka mida Maleeshiyada Qeybdiid.
Waxay ahayd 2012 dhexdiisii markii kooxdii u horaysay shaqada kabilabeen wadanka waxaana hogaaminayay Mr taghizadeh waxayna Safarkii ugu horeeyay ka baxeen Muqdisho waxayna sii mareen dhulka.iyagoo u kala gudbaya Puntland Somaliland Galmudug.
Degaanadaas waxay kula kulmeen madaxda maamuladaas ,waxayna u sheegeen inay dhisayaan Goobo Caafimaad iyo Waxbarasho .
Waxay hubkii ugu horeeyay ka dejiyeen Xeebaha Hobyo.Xarardheere. Lasqoray .Kismaayo.Marka. Xiis.Qandala Iskushuban ,Cadale iyo Cigo waxaa degaanadaas u jooga rag la shaqeeysta oo hubka daad gureeya .
Shabaakada hubka geeysa Somalia waxay tartan geliyeen ganacsato Soomaaliyeed kuwaas oo laga iibiyay sheeko la xiriirta inay Kaluun badan soo qabtaan si loo iibigeeyo,waxayna doomaha hubka keena dib u qaataan kaluun loo qaado bil walba Iran .
Lacagta Hubka iyo Kaluunkaas laga helo waxaa wax laga siiyaa shaqsiyaad Somalia.
1- Cabdi Qaybdiid wuxuu leeyahay 4% wuxuuna sugaa amniga kooxaha imaanaya Hobyo iyo Muqdisho
2 - Khaliif Kadiye Muse Yaraw Safiirka Somalia u fadhiya Iran wuxuu leeyahay 2% wuxuu sameeya xiriirka doonyaha dhanka Kismaayo iyagoo halkaas hubka lageeyo ay u dheertahay dhuxul loo qaado dalka Bakistan
3 -Saciid Guul 2% ayuu leeyahay waxaa uu dagan yahay Dubai iyo Yemen wuxuuna u qaabilsan yahay Dekadaha Puntland, waana masuulka dajinta hubka iyo iibinta hubka qaabilsan,wuxuuna ku hakiyaa dalka Yemen .
4- Ismaciil Fanax waxa uu leeyahay 2% Waxaa uuna dagan yahay Hargeysa waxa uu u qaabilsan yahay Xeebaha Xiis iyo Maydh ee Somaliland waxa uu haystaa Basabor British .waxa kaloo uu dhoofiya bay’ada si aan loo ogaan dhaqdhaqaaqiisa iyo lacagtiisa farabadan maadaama uusan Ganacsade la yaqaano ahayn lakin uu iska dhigo nin shirkado wax u iibinaya waxa uun sidoo kale xafiis ku leeyahay London .
5-Siyaad Mohamud Shire oo ah qunsulka Safarada Somalida kenya iyo Mohamed Ali Americo oo ah Safiirka iyaguna waxay qaabilsan yihiin inay siiyaan Ganacsatada Iran-ta ah Basabor Somali iyagoo midkiiba ka qaadaya 10000$ -Waxa kale oo ay soo sameeyaan Basaborada fiisayaasha iran lagu sooqaadayo ee dadka lagu tahriibinayo iyagoo fisiihiba lacag kudhaw kun doolar ka faa-iida waxaan u dhaxeeya Dhaqane Travel Agency Ninka leh Mr Abokor Dhaqane .tell 0721451767 isagaa lacagta Xafiisyadooda ugu geeyaa,wuxuna adeegsadaa dhalinyaro ku xiran Safiirka iyo Qunsulka.
6- Muse Mohamed Ganjab 3% ayuu leeyahay ,wuxuuna qaabilsan yahay Dekadaha Cadale iyo Cigo,sidoo kalena waa ninka hubkaas ka iibiya Al-Shabaab. wuxuu Muse Ganjab heystaa Passport Canadian ah.wuxuuna degan yahay dalka South Africa.
Abokar Dhaqane waxaa hoowlahiisa kala shaqeeya walaalahiis oo qaabilsan Xafiisyada Hargeysa,Muqdisho iyo Dubai.
Warbixintaan waxaa isku soo duway Dahir Alasow oo Netherlands jooga iyo Ali Osman Sheikh (Cali Xayder) oo Nairobi jooga.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com