Beesha Waceeysle oo bilaabay inay ka guuraan Degmooyinka Wadajir iyo Kaaraan - Aargoosi laga cabsi qabo

Monday, August 25, 20140 comments

Rabshado lagu beegsaday guryo ay degan yihiin dad u dhashay beesha Waceeysle ee Madaxweyne Garguurte ka soo jeeda ayaa xalay ka dhacay xaafado ka tirsan degmooyinka Wadajir iyo Kaaraan,sida ay xaqiijiyeen dad ku nool degaanadaas. Rasaas ayaa lagu furay laba guri oo ku yaal degaanadaas,waxaana la sheegay inay hanjabaad dhexmartay dhalinyaro u kala dhashay beelaha Waceeysle iyo Daud kuwaas oo isla koray,iskuna xaafad ahaay mudo dheer.

Odayaasha beesha Daud Abgaal ayaa saakay isku dayay inay dejiyaan xaalada hasse yeeshee qoysaskii ugu badnaa ee ka soo beesha Waceeysle waxay iska guureen xaafadahoodii Kaaraan iyo Madiina.

Xiisadaan kala shakiga colaadeed ayaa la xiriirta xariga Siyaasiga Axmed Daaci oo dhalasho ahaan ka soo jeeda beesha Daud Abgaal.
Dhalinyaro la qabiila Axmed Daaci ayaa xariga Siyaasigooda u bedelay mid qabiil,waana sababta ay Ugaarsiga ugu bilaabeen dad u dhashay beesha Waceeysle.

Qabiilka Daud waxay Waceeysle u bartilmaameedsanayaan maadama uu ka dhashay Madaxweyne Garguurte hasse yeeshee sida la ogyahay beesha Waceeysle xitaa ma jecla Xasan Garguurte.
Waa nasiibdaro in Odayaasha u dhashay beesha Hawiye xilligaan indhaha ka fiirsadaan in xurgufta u dhaxeeysa Siyaasiyiinta beelaha Waceeysle iyo Daud loo bedelo mid qabiil,leeyskuna diro dadka wada dhashay.

Ergo uu horkacayay Ugaaska Beesha Daud ayaa xalay dib ugu laabtay Degmadda Kaaraan kadib markii ay ku hungoobeen inay Axmed Daaci ka sii daayaan Xabsiga.

Madaxweyne Garguurte ayaa sheegay inuusan awood u laheyn sii deeynta Wasiirka Cadaaladda,wuxuuna xusay inuusan u gacan dhaafi karin Wasiirka Cadaaladda Faarax Cabduqadir iyo Gudoomiyaha Maxkamadda sare ee Ciidanka Qaranka Cabdiraxman Tuuryare.

Cabdiraxmaan Tuuryare oo dhalasho ahaan ka soo jeeda beesha Waceeysle ayaa Saraakiisha Ciidanka Somalia qaarkood u sii sheegay in Axmed Daaci lagu xukumi doono toogasho la mida tii Salaad Gabeyre.

Sikastaba ha ahaatee,hadii Ugaarsiga dhalinyarada labada dhinac la joojin waayo waxaa hubaala in colaada u tilaabi doonto Shabeeladda dhexe maadama beelahu yihiin OOdwadaag wada dhashay.













_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog