Faarax C/qaadir oo ka dheereeyay Awoodaha Madaxweyne Xassan Sheekh iyo dhaliilo loo jeediyay.

Thursday, August 7, 20140 comments

Wasiirka Cadaalada iyo Dastuurka Faarax C/qaadir ayaa la sheegayaa inuu qas ba’an ka dhex wado Xarumaha Dowlada Federaalka Somalia.

Wasiirka ayaa waxa uu ka sara maray Sharciga Dalka, waxaana la Tilmaamayaa inuu ku tuntay shuruucda Diblumaasiyadeed, kadib markii uu faragaliyay in kabadan Seddex Wasaaradood oo aan isaga khuseyn.

Faaraxa C/qaadir, ayaa waxa uu ka amar sareeya Madaxweynaha Jamhuuriyada federaalka Xassan Sheekh oo isagu ka gaabinaayo Mas’uuliyadii ka saarneyd Dalka, islamarkaana Amarka iyo awoodiisuba gacanta ugu shubay Wasiir Faarax C.qaadir oo aan laheyn Siyaasad sidaa u sareysa markii laga reebo Awoodaha Dam-Jadiid oo uu ku xalaaleysanaayo Dowlada.

Warar hoose waxa ay sheegayaan in Wasiir Faarax isaga lasoo mariyo shaqsiyaadka uu Madaxweyne Xassan Xilalka u magacaabayo, waxa uuna tiigsanayaa Awooda Dowlada Ethiopia oo kala dhaxeyso wada shaqeyn xad dhaaf ah.

Awoodaha uu adeegsanaayo Faarax C/qaadir, ayaa waxaa qeyla dhaan dhowr jeer ka keenay Odayaasha Beelaha Hawiye oo aan laheyn talo iyo Tusaale, waxa ayna ka cabanayaan in Madaxweyne Xassan uu jaray xiriirkii kala dhexeeyay Odayaasha, halka wararka qaarna ay sheegayaan in Faarax uu ku taliyay in xiriirka loo gaabiyo Odayaasha, wallo xassan uusan garwaaqsan.

Dhanka kale, Faarax C/qaadir ayaa isagu wado sharciyo uu ku xalaaleysanaayo Xarumaha Dowlada kuwooda ugu muhiimsan, si looga talaabo hamiga ay bulshadu ka muujineyso dhicida Doorasho.












_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog