Xuukamada Somalia oo wada qorshe ay hubka xooga ugala wareegeyso Hogaamiyo Kooxeedyo iyo Siyaasiyiin Muqdisho ku sugan

Thursday, August 7, 20140 comments

Wasaarada Amniga Qaranka Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa wada qorshe ay hubka uga dhigeyso Hogaamiye kooxeedyo iyo Siyaasiyiin aad u hubeesan oo ku sugan Magaalada Muqdisho.

Sargaal katirsan Wasaarada Amniga Qaranka Xukuumada Soomaaliya ayaa si hoose noogu sheegay in uu jiro qorshe la doonayo in qaab qasab ah hubka looga dhigo Hogaamiyo Kooxeedyo iyo Siyaasiyiin hub badan ku heesta Muqdisho.

Xubnaha Dowlada dooneyso in hubka ka dhigto waxaa ku jira Siyaasiyiin hada Dowlada ku jira oo aad u hubeesan iyo Xubno dowlada horey xilal uga soo qabtay kuwaa oo Magaalada Muqdisho ku heesta hub iyo ilaalo aad u badan.

Sida aan Wararka aan ku heleyno Xubnaha Wasaarada Amniga diirada saareyso in hubka ka dhigto waxaa ku jira Hogaamiyo kooxeedyo horey Siyaasada ugu jiray iyo sidoo kale qaar kamid ah Gudoomiyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir oo iyagana hub badan heesta.

Dowlada Soomaaliya ayaa dhawaan Magaalada Muqdisho waxa ay ku qabatay hub aad u badan oo yaalay Garaash uu lahaa Cismaan Xasan Cali Caato iyo Hub kale oo isna yaalay guri uu lahaa Sargaal lagu Magacaabo Cabdi Ileeye, waxaana hada diirada la saarayaa xubno kale oo hub lagu tuhmayo.











_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog