Fiirso Muuqaal Argagax leh Yahuuda Israa’il oo wali wada Xasuuqa ay u geesaneyso Shacabka

Friday, August 1, 20140 comments

Ciidamada Yahuuda Israa’il ayaa labadii maalin ee lasoo dhaafay waxa ay xoojiyeen xasuuqa ay u geesanayaan Shacabka Reer Falastiin ee ku dhaqan Magaalada Gaza.

Muuqaalo uu soo duubay Telefishinka Al-Jazeera ayaa muujinaya gantaalo ay rideen Ciidamada Yahuuda oo ku dhacay dad rayid ah oo u badan dhalinyaro kuwaa oo dhaawacyadooda iyo Meydadkooda ay yaalaan hareeraha Wadooyinka.

Duulaanka Yahuudu ku qaaday Magaalada Gaza oo socday in kabadan 20-Maalmood waxaa ku dhinay in ka badan 1,400 oo qof oo Falastiiniyiin ah, kuwaasi oo u badnaa dad rayid ah, halka kumanaan kun oo qof oo kalana lagu khasbay in ay ka barakacaan guryahooda.

Ururka Xamaas ee Dagaalka kula jira Israa’iil ayaa dhankooda ku guuleestay in ay dilaan ku dhawaad 100-qof oo yahuuda ah kuwaa oo u badan askarta sida xaqdarada ah u leyneysa Maatada Reer Falastiin ee ku daqan Magaalada Gaza.








_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog