Xildhibaan katirsan Baarlamaanka Somalia oo Goordhaw lagu dilay Muqdisho

Friday, August 1, 20140 comments

Kooxo Hubeesan ayaa goordhaw waxa ay Degmada Xamar Weyne ee Gobolka Banaadir ku dileen Xildhibaan katirsan Baarlamaanka Dowlada Federaalka Soomaaliya sida uu xaqiijiyay Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow.

Sida aan Wararka ku heleyno Kooxo Hubeesan ayaa rasaas xoogan waxa ay huwiyeen Xildhibaan Sheekh Aadan Madeer oo kamid ahaa Xilhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya kaa oo u geeriyooday rasaasta lala dhacay.

Dilka ayaa dhacay xili uu Xildhibaan Sheekh Aadan Madeer uu kasoo baxay Salaada Jimcaha uu kusoo dukuday Masjidka Marwaazi ee Degmada Xamar Weyne, waxaana goob joogayaal ku warameen in Kooxaha hubeesan ay kor kala socdeen dhaq dhaaqaaqiisa ayna rasaas huwiyeen markii uu gaarigiisa raacay.

Xildhibaanka la dilay ayaa ahaa Gudoomiyihii guddiga Maaliyada ee Baarlamaanka Soomaaliya , waxa uuna sanadkii hore Sheekh Aadan Madeer uu ka bad baaday qarax la doonayay in lagu qaarijiyo kaa oo ka dhacay Muqdisho. 

Dilka Maanta Magaalada Muqdisho loogu geestay Xildhibaan Sheekh Aadan Madeer ayaa noqonaya Dilkii Sadaxaad oo in ka yar 30-Cisho Magaalada Muqdisho loogu geesto Xildhibaankii Sadaxaad oo katirsan Baarlamaanka Somalia.












_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog