Fiirso wiil uu dhalay Faysal Cali Waraabe oo ku biiray Mujaahidiita ISIS ka dagaalanta Syria

Tuesday, August 5, 20140 comments

Wiil uu dhalay Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Somaliland Faysal Cali Waraabe oo lagu magacaabo Xuseen Faysal {Abu Shuceyb} ayaa ku biiray kooxaha ka dagaalama gudaha Syria . 

Wiilkaan uu dhalay Faysal Cali Waraabe ayaa iska soo duubay muuqaal isagoo ku hadlaya luqada Finish-ka ama Finland.

"Waxaan imid meel raxmad badan,waxaan noqon doonaa shahiid jano galo,waana ku faraxsanahay inaan ku soo biiro Mujaahidiinta ISIS" ayuu yiri Xuseen Faysal Cali Waraabe .

Xuseen oo ka tegay dalka Finland ayaa la rumeeysan yahay in lagu sameeyay Awoowgiis Xuseen maadama abtirsiga aabahiis uu yahay Faysal Cali Xuseen.

Xuseen iyo gabadh la socotay waxaa dhowr sano ka hor laga soo qabtay Magaaladda Laascaano xilli ay qorsheeynayeen inay ku biiraan Al-Shabaab ee ka dagaalanta gudaha Somalia.

Dad badan ayaa isweydiinayaa shaqsiyada Faysal Cali Waraabe iyo sida uu bulsho Soomaaliyeed ku hogaamin karo maadama uu ku guuldareestay inuu wiilkiisa ka celiyo ku biiritaankiisa ISIS.

Si kastaba ha ahaatee, Tani waxay Calaamatu su-aal dulsaareeysaa WAA KUMA FAYSAL CALI WARAABE?


By Dahir Alasow
dahir.alasow@waagacusub.net











_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog