Wararka ka imaanaya Magaalada Cape Town ee Dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in kooxo burcad South African ah ay Duleedka Magaaladaasi ay ku dileen labo ruux oo Soomaali ah oo ku sugnaa goob ganacsi.
Kooxo Burcad Bistoolado ku hubeesan ayaa weeraray goob ganacsi oo kuyaala Deegaanka Elsis oo katirsan Magaalada Cape Town , waxaana kooxdii burcada aheed halkaasi ku dileen labo qof oo Soomaali ah oo ku sugnaa dukaanka la weeraray.
Sida Wararka aan ku heleyno nin kale oo Soomaali ah oo kusugnaa dukaanka ay weerareen burcada u dhashay Dalka Koonfur Afrika ayaa goobta ka baxsaday kana bad baaday qorshihii burcada ay ku doonayeen in ay ku dilaan.
Ciidamada Booliiska Dalka Koonfur Afrika oo dilka kadib gaaray dukaanka lagu weeraray Ganacsatada Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay sameenayaan baaritaano lagu raadinayo kooxdii burcada ee dilka ka dambeysay.
Dalka Koonfur waxaa inta badan ka dhaca Dilal loo geesto Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee goobaha ganacsi ku leh Dalkaasi , waxaana dalkaasi dadka Soomaaliyeed ee lagu dilay kor u dhaafayaan kun qafood.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com