Kaartadii Sheekh Mukhtaar Roobow oo shaqeeysay & Aamusnaanta Masuulkaan oo la ogaaday (Af Daboolan Dahab)

Tuesday, August 5, 20140 comments

Afhayeenkii hore ee uruka Al Shabaab ahaana mid ka mid ah masuuliyiintii ugu sareeyay kooxdaan Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) ayaa waxaa la ogaaday sababaha ku kalifay inuu si toos ah uga aamuso siyaasada dalka uu marayo kaas oo is ticmaalaya kaarto lagu sheegay (Af Daboolan Dahab) !!

Masuulkaan oo ku sugan deegaano hoos taga gobolka Bakool wuxuu horay caan ugu ahaa inuu ku baaqo dagaalo ka dhan ah dowlada Soomaaliyeed iyo ciidamada Shisheeye balse tan iyo markii ay is qilaafeen hoogaamiyaha ururka Al Shabaab Axmed Cabdi Godane wuxuu Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) bilaabay in uu gebi ahaanba ka aamuso ama ka dhuunto siyaasada dalka.

Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) ilaa iminka kama hadlin maamul goboleedyada loo sameeyay gobolada Bay iyo Bakool sidoo kale wuxuu joojiyay wax ka sheegidii ururka Al Shabaab maadaama uu taas badalkeeda ka door biday Af daboolan dahab si aysan u raadsan laba cadow oo uu yeeshay.

Masuulkaan waxaa wali waardiyeeya Tikniko uu kala goostay kooxda Al Shabaab balse badankeeda uu lahaa Omar Shafik Hammami oo loogu yeeri jiray (Abu Mansoor Al-Amriki), kaas oo in ka badan sanad ka hor ay qaarajiyeen Dagaalyahano loo soo diray oo ka tirsanaa ururka Al Shabaab . 










_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog