Cilimi baaris qota dheer oo ay sameestay Hay’ad ka Shaqeysa Cilimiga Jinsiyada oo ku taalo dalka Jarmalka ayaa dhowaan shaachasay in xiliga ugu wanaagsan galmada ay tahay xiliyada qabowga, iyadoo arintaasina raga ay raaxo waali ah ka helaaan waqtiyada qaboobaha.
Daraasada ayaa sidoo kale lagu tilmaamay in raga 70% ay neceb yihiin Galmada xiliyada kuleylaha ,waxeyna daraasada haweenka caalamka kula dar daarantay in ay yareeyaan dalabka ragooda xilga uu jiro kuleylaha.
Macheal Mrunge oo ah madaxa Hay’adaasi islamarkaana ah xeel dheere ku taqasusay Cilimiga Jinsiyadda ayaa sheegay in waqti dheer ay baaris ku sameyeen ayna ogaadeen in xitaa raga galmada badsada xiliga kuleylaha 60% aysan helin raaxo ku fialan.
Qabiirka ayaa sidoo kale xusay in haweenka ay iska ilaaliyaan galmada faraha badan xiliga kuleylaha taasoo la sheegay in ay keeni karto hoos u dhac ku yimaada dareenka xubinta tmmaranka iyo weliba muuqaalka qofka.
Ugu danbeyntii Macheal Mrunge ayaa sheegay in raga ay raaxo waali ah ka qaadaan haweenka markii ay timahooda soo marsadaan waxyaabaha carfa, ayna soo furfuraan timahooda, taasoo uu qabiirka ku sheegay in badan oo haweenka caalamka ah in aysan ku baraarugsaneen .
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com