Ing. Feysal Cali Waraabe oo ka hadlay Wiil uu dhalay oo ku biiray Xoogaga Islaamiyiinta ee ISIS

Tuesday, August 5, 20140 comments

Ing Feysal Cali Waraabe oo ah hogaamiyaha xisbiga UCID ee ka jira Somaliland ayaa ka hadlay wiil uu dhalay oo ku biiray Xoogaga Islaamiyiinta ee ka dagaalama Dalalka Ciraaq iyo Siiriya ee ISIS.

Ing. Waraabe oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in wiilka uu isagu dhalay uuna ku dhashay dalka Finland sannadkii 1992-dii, wuxuuna ahaa nin ku xiran masaajidka si weyna diinta Islaamka u bartay.

“ILAAHAY mahadii wiilka aniga aya dhalay, waana inan yar, waxaana mar qura la waayay bishii Jannaayo ee sannadkii 2013-kii, haddaan maqlay inuu kooxdaas ku biiray, waa wax la yaab ler runtii” ayuu yiri Faysal Cali Waraabe.

Wuxuu sheegay oo kale in wiilkan oo xaaskiisa ay wehlisay uu yimid Hargeysa sannadkii 2012-kii iyagoo ku socda Koonfurta Soomaaliya, si ay ugu biiraan Al-Shabaab balse waxaa uu xusay in laga celiyay.

“Xiligaas waxaan ilaaladayda amar ku siiyay inay waardiye ka qabtaan, balse xilli habeenimo ah ayuu baxsaday, waxaana lagu sheegay buu yiri inuu joogay Burco, markaas kaddibna way waayeen” ayuu yiri Feysal Cali Waraabe.

Wiilkan oo isku naynaasay Abuu-Shucayb Al-Somali ayaa wuxu sheegay inuu ka yimid dalka Finland si uu ugu biro kooxda Daacish ee ISIS ee dagaallada kawadda dalalka Ciraaq iyo Suuriya.

“Waxaan halkan u imid inaan ku biiro kooxda Daacish, waxaana kasoo hijrooday dalka Finland,waana ku faraxsanahay talaabadan waana mid aan muddo dheer haminayey” ayuu yiri Xuseen Faysal oo naynaastiisa ku sheegay Abuu-Shucayb Al-Somali.

Bil ka hor ayey ahayd markii wiil uu adeer u yahay ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon uu ku biiray kooxaha Islaamiyiinta ah ee ka dagaalama Ciraaq iyo Suuriya












_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog