Waxaa Shalay Xarunta Degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir lagu qabtay Kulan Is wareesi ah ay wada qaateen Masuuliyiinta Maamulka Degmadaasi iyo waxgaradka ku dhaqan Xaafadaha kala duwan ee Degmada Dayniile.
Kulanka ay Maamulka Degmada Dayniile la qaateen waxgaradka ku dhaqan Degmada Dayniie ayaa ujeedkiisu ahaa sidii labada dhinac ay isku wareesan lahaayeen ayna u yeelan lahaayeen wada shaqeyn la xariirta dhinaca hor marka Degmada.
Maamulka Degmada Dayniile ayaa u balan qaaday Waxgaradka Degmadaasi in ay qaadan doonaan taladooda ayna jiri doonto wada shaqeyn labada dhinac dhax marta si Degmada loo gaarsiiyo hor mar lagana shaqeeyo baahiyadaha ay qabaan bulshada Degmadaasi.
Waxgaradkii kulanka ka hadlay ayaa dhankooda bogaadiyay Maamulka Cusub ee Demada Dayniile , waxa ayna ka codsadeen Maamulka in ay xooga saaraan hormarka Degmadaasi oo mudooyinkii dambe noqotay mid la iska ilaabay.
Kulanka ayaa kusoo dhamaaday jawi aad u dagan , labada dhinac ayaana u balamay in ay qaataan kulamo kale oo looga xaajoonayo hormarka degmadaasi iyo sidii ay wada shaqeyn u dhax mari laheed Maamulka Degmada iyo bulshada ku dhaqan Degmadaasi.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com