Dhamaadka September ama bartamaha October ayey kooxda Damu jadiid qorsheeyeen inay xilka qaadis ku sameeyaan Ra'isulwasaaraha Xukumadda Somalia Cabdiwali Sheekh Ahmed.
Si rasmiya looma ogga qofkeey ku bedeli doonaan hasse yeeshee Dowlada Mareykanka iyo diblomaasiyiin metelayay Qaramadda Midoobay waxay Madaxweyne Garguurte kula taliyeen sedex qof oo la rumeeysan yahay in shaqsiga ugu macquulsan uu yahay Dr.Bashir Nur-Bidaar oo ah aqoonyahan heysta PhD .
Dr Bashir oo wax ku bartay Dalka Mareykanka wuxuu la soo shaqeeyay Hay’ado Caalamiya sida,UN/FYI oo shaqaalenima uga soo shaqeeyey wadamada Gambia iyo Sierra Leone koofur ,isagoo hadana ah africa haatana regional director Magaalada tokyo, Japan.
Inkastoo Dr Bashiir Nur Bidar Loyan ay isku qabiil yihiin Ra’isulwasare Cabdiwali hadana Dr Bashir waa nin ku dhashay Muqdisho oo lagu tilmaamo dadka aan qabyaalada jecleeyn.
Ra’isulwasaare Cabdiwali oo ka mida Siyaasiyiinta qabyaalada madax martay wuxuu jagooyin ku tixay dad u dhashay qabiilkiisa sida wasiirka waxbarashada oo uu magacaabay nin walashii qudbosiro ku aroosay 4 bilood ka hor inta uusan noqon Raisulwasaaraha oo u magacaabay wasiirka waxbarashada. Sidoo kale Wasiir ku xigeenka Wasaarada Warfaafinta ayuu u magacaabay xaaskiisa ina adeerkeed iyo taliyaha booliska oo uu ka dhigay nin Dimbiile ah.
Si kastaba ha ahaatee,Dr Bashir Nur Bidaar wuxuu ka mid ahaa Musharaxiintii xilka Madaxweynenimada u tartamay sanadkii 2012 -doorashadii uu Xasan Garguurte ku guuleeystay Madaxweynenimada.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com