Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jibouti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa dirqi uga badbaaday toogasho lala beegsaday xilli uu ka soo degay diyaarad . Askari ka tirsan ilaalada Madaxweynaha ayaa rasaas la beegsaday Madaxweynaha oo ku socday rooga cas ama gaduudan ee gudaha Garoonka Djibouti hasse yeeshee waxay Xukumadda xaqiijisay in rasaastaas haleeshay qaar ka mida Saraakiishiisa amaanka iyo Madaxa Caafimaadka Madaxweyne Geelle oo lagu magacaabo Dr Idiris Cabdi Gaab.
Inkastoo Xukumadda Jibouti qarisay isku dayga dil ee Madaxweyne Geelle ka badbaaday hadana Agaasimaha Warfaafinta Xafiiska Madaxweyne Geelle ayaa Idaacadda VOA u xaqiijiyay tacshiirada ka dhacday gudaha garoonka xilli uu Madaxweynaha ka tegay iyo Saraakiisha rasaastaas u dhaawacmay.
Ila wareedyo muhiima waxay xaqiijiyeen in tacshiirada ay ku geeriyoodeen saraakiishii amaanka Madaxweynaha iyo askarigii Baratakool ahaan daba taagnaa Madaxweynaha.
Ismaaciil Cumar Geelle wuxuu Jibouti u sameeyay horumar hasse yeeshee wuxuu noqday kaligii taliye tira ka dhawr jeer bedelay Dastuurka dalka si uu xukunka u sii joogo.
Weerarka uu ka badbaaday Madaxweyne Geelle waxay sawir fool xun ka bixineysaa sida shacabkiisa Jibouti u nacay,waxayna dhinaca kale tan abuuri doontaa kala shaki iyo cabsi ka dhex aloosanta Ciidanka Jamhuuriga ee ilaaliya Geelle.
Boqolaal Maxaabiis siyaasad u xiran ayaa ka buuxa Xabsiyada kuleelka iyo Kaneecada badan ee Jibouti laakiin nasiibdarada ugu weyn waxay tahay inaysan siyaasiyiintaas helin Cadaalad iyo daryeel Caafimaad.
Sikastaba ha ahaatee, Weerarka lagu qaaday Madaxweyne Geelle waxaa la rumeeysan yahay inay ka dambeeyaan kooxaha Mucaaradka Jibouti oo aad ugu kacsan
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com