Booliiska Dalka Canada ayaa shaaca ka qaaday in ay xireen Sadax qof oo lagu tuhmayo in ay ku lug lahaayeen Dil habeenimadii Sabtida aheed loo geestay Haweeney Soomaali ah oo kunooleed Magaalada Calagary ee Dalka Canada.
Wargeyska The Calgary Herald ee ka soo baxa magaalladda Calagary ayaa baahiyay in Ciidamada Booliiska Magaaladaasi ay xireen Sadax qof oo lagu tuhmayo in ay ka dambeeyeen dil loo geestay Natasha Mohamed Farah oo ah gabar asalkeedu Soomaali yahay.
Sadaxda qof ee la tuhmayo in ay ka dambeeyeen Dilka Gabadhan Soomaaliyeed oo 26-sano jir aheed ayaa laga soo qabtay Hotel ku yalla Waqooyi galbeed ee magaalladda Calagary.
Dilka Gabadhan Soomaalida ah loo geestay ayaa ka dhacay meel ku dhow goob habeenkii lagu caweeyo oo ku taalla magaalladda Calagary. Waxa uuna dilku dhacay sida booliiska laga soo xigtay abaarihii saddexdii habeenimo Sabtidii ee la soo dhaafay.
Wali lama oga Sababta ka dambeysa Dilka gabadhan Soomaaliyeed loogu geestay Dalka Canada, waxaa dhoor mar oo hore Dalkaasi ka dhacay Dilal loo geestay dad Soomaali asalkoodu yahay balse heesta dhalashada Dalkaasi ..
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com