Meydadka Muhaajiriin Afrikaan ah ay ku jiraan Haween iyo Caruur oo badda soo tuftay ayaa lagu arkay Xeebta al-Qarboli, oo qiyaastii 30 mile dhinaca bari kaga beegan Caasimada Dalka Liibiya ee Tripoli.
Dooni ay saarnaayeen Boqolaal Afrikan ah oo kusii jeeday Dalka Talyaaniga ayaa doonidii ay saarnaayeen la jabtay , waxaana qaar kamid ah dadkii doonidaasi saarnaa ay ku dhinteen badda halka kuwa kalana aan warkooda la heyn.
Afhayeen u hadlay Ciidamada ilaalada Xeebaha Liibiya oo lagu Magacaabo Abdellatif Mohammed Ibrahim ayaa sheegay in ay heleen Meydadka 16-qof oo Badda soo tubtay , waxa uuna sheegay in 5-kamid ah Meydadkaasi ay Caruur ahaayeen sidoo kalana ay ku jiraan Haween dadka dhintay.
Waxaa wali aan la heyn Nolol iyo geeri dad kale oo saarnaa doonida ku qalibantay Badda u dhaxeysa Dalalka Talyaaniga iyo Liibiya , waxaana suurto gal ah in Xeebaha Liibiya ay kusoo caariyaan Meydad kale oo dad Muhaajiriin ah sida uu sheegay Abdellatif Mohammed Ibrahim.
Kumanaan Muhaajiriin Afrikaan ah ay ku jiraan Soomaali aad u badan ayaa ku dhintay Badda u dhaxeysa Dalalka Talyaaniga iyo Liibiya , dadkan Badda ku dhinay ayaa ujeedkoodu ahaa in ay galaan Qaarada Yurub si ay u helaan Nolol iyo Mustabal fiican.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com