Dabaaldagyo waa weyn oo lagu soo dhaweenayo heshiiy xabad joojin aan muddo loo qaban ay gaareen Ururka Xamaas iyo Israel ayaa ka dhacay dhulka Reer Falasiin gaar ahaan Magaalada Gaza.
Heshiiska Xabad joojinta ay gaareen Xamaas iyo Israel ayaa u muuqata inay hakad galinayso dagaalka iyo duqayntii socotay 50kii maalmood ee la soo dhaafay ay ku dhinteen kumanaan reer falastiin ah.
Dowlada Masar ayaa dhexdhexaadisay heshiiska ay wada gaareen Israel iyo Ururka Xamaas ,Yahuuda ogolaatay inay dabciso cunaqabatayntii saarnayd Gaza.
Israel ayaa balan qaaday inay ogolaan doonto gaadiidka sida gargaarka iyo qalabka dhismaha u ogolaan doonto inay galaan gudaha marinka Gaza.
Heshiiskan ayaa waxaa ka mid ah qodobadiisa in labada dhinac ay wada-hadallo dheeraad ah isugu soo noqdaan bil gudaheed.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com