Waxaa Goordhaw Xarunta Hay’ada Nabad Sugida Gobolka Banaadir Ex-Godkii Jilacow lagu soo bandhigay Meydadka 7-nin oo la sheegay in ay katirsanayaeen Al-Shabaab weerar xoogana maanta ku qaaday Xaruntaasi.
Todobada nin ee weerartay Xarunta Hay’ada Nabad Sugida Gobolka Banaadir ayaa mid kamid ah waxa uu watay gaarigii isku qarxiyay xaruntaasi halka lixda kalana la sheegay in ay ka dhax dagaalameen xaruntaasi.
Afhayeenka Wasaarada Amniga Qaranka ayaa sheegay in ragii maanta weeraray Xarunta Hay’ada Nabad Sugida ku leedahay godka Jilacow ay ahaayeen ilaa 7-nin dhamaantoodna lagu dilay intii ay socotay iska hor imaadka.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com








