Warar Xog-ogaal ah oo warbaahinta heshay ayaa sheegaya in sababta lagu weeraray, laguna xeray Axmed Daaci inay aheyd amar kasoo baxay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen”Muungaab” oo Madaxweynaha iyo Ra´iisul Wasaaraha ka codsaday in hub ka dhigis lagu sameeyo Axmed Daaci.
Inkastoo howlgalka hub ka dhigista uu ahaa mid guud ahaan ka bilowday Muqdisho, haddana sababta loo soo hormariyay ee Axmed Daaci loo beegsaday inay ka danbeysay is hor taag uu Daaci ku sameeyay Guddoomiyaha Degmada Wadajir Axmed Cabdulle Afrax, isla markaana handadaad iyo caga jugleyn uu ku haayay. muungaab-daaciArintaasi oo Muungaab lagu soo wargeliyay ayaa la isku dayay in si hoose loo xaliyo, hase ahaatee Axmed Daaci oo ahaa Guddoomiyihii hore oo aan ku qanacsaneyn xil ka qaadista lagu sameeyay ayaa ciidamadiisa oo aad u hubeysan ay ka socon waayeen howlihii degmada Wadajir.
Jen. Muungaab ayaa ka hor inta uusan u duulin dalka Swedan wuxuu ku wargeliyay Ra´iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha in ay halis ugu soo socoto Axmed Daaci oo aad u hubeysnaa, haddii aan hub ka dhigis lagu sameyna ay keeni karto arin intaasi ka
weyn.muunka-daaciMadaxweynaha iyo Ra´iisul Wasaaraha oo arintaasi ka hortegaya ayaa amar ku siiyay Laamaha amaanka, gaar ahaan Nabadsugida iyo ciidamada AMISOM in ay hub ka dhigis ku sameeyaan Axmed Daaci oo ka biyo diiday in uu hubka soo wareejiyo.
Ugu danbeyntiina weerar qorsheysan lagu qaaday, kadibna hub ka dhigis lagu sameeyay isaga iyo ciidamadiisa xabsiga la
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com