Indhacade Oo Wax Cabsi Ah Ka Qabin Inay Weeraraan Ciidamada Nabadsugida “SABAB”

Tuesday, August 19, 20140 comments

Iyadoo hub ka dhigis ay ka soconeyso Magaalada Muqdisho, ayaa waxa uu General Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha Cadde), uu ka mid yahay xubnaha aan walwalka ka qabin dhinaca Hay’adda Nabad Suggida.

General Yuusuf Maxamed Siyaad waxa uu horey u soo noqday Wasiir ka tirsan Dowladdii Shariif Sheekh Axmed, haataana waxa uu ka mid yahay Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida, inkastoo aanu si toos ah u hawlgelin.

Yuusuf Maxamed Siyaad oo xiriir dhow la leh Madaxweynaha Somaliya iyo Wasiirka Garsoorka & Dastuurka Faarax Sheekh C/qaadir Maxamed, ayaan wax walaac ah ka qabin in Hay’adda Nabad Suggida ay hub ka dhigis ku sameyso.

General Indha Cadde wuxuu ka tirsan yahay ragga hubka ugu badan ku heysta Magaalada Muqdisho, waxa uuna u muuqdaa inaanu wax saamayn ah ku yeelan doonin hawlgalada ku aadan hub ka dhigista Muqdisho.


Ilo lagu kalsoonaan karo, ayaa sheegay in General Indha Cadde uu taageero weyn ka heysto Madaxweynaha iyo Faarax Sheekh C/qaadir, iyadoona lala xiriiriyo in uu ku biiray Dam Jadiid, walow uu toddobaad ka hor iska fogeeyay.

General Indha Cadde waxay khadka teleefanada ka wada hadlaan Madaxda Dowladda qaarkood, iyadoo xilliyada qaar uu ku booqdo Qasriga Madaxtooyada ee Villa Somalia.

Mid ka mid ah ragga ku dhow dhow General Indha Cadde, ayaa waxa uu sheegay inaanu Jananku qabin wax baqdin ah, oo ku aadan in hubka uu ku heysto Magaalada Muqdisho laga fara maroojiyo.

Hawlgaladii ugu dambeeyay ee laga sameeyay Magaalada Muqdisho, ayaa ahaa kuwo si weyn looga dareemay gebi ahaanba Caasimada, waxaana la hadalhayaa in ay sii socon doonaan maalmaha ina soo aadan.















_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog