Waxaa xalay Dhismo weyn oo kuyaala magaalada Tel Aviv ee Caasimada Israa'il ka dhacay xaflad aroos ay isku guursanayeen Nin Carab Muslim ah iyo Haweeney Yahuud aheed balse qaadatay diinta Islaamka.
Xafladan oo aheed mid aad u qurux badan waxaa kasoo qeyb galay 600-qof oo isugu jira ehelada lamaanayaasha is doortay iyo sidoo kale marti sharaf kale oo lagu casuumay xaflada arooska ee Mahmoud Mansour iyo Maral Malka.
Boqolaal qof oo Yahuud ah kana soo horjeeday arooskan lamaanahan is calmaday ayaa banaanbax waxa ay ka dhigeen afaafka hore ee dhismaha uu aroosku ka dhacayay oo kutaala magaalada Tel Aviv.
Ciidamada booliiska Israa'il ayaa xabsiga dhigay afar qof oo yahuud ah kana tirsan xisbiga midig fog kuwaa oo ku hor mudaharaadayay afaafka hore ee dhismaha uu ka dhacayay Lamaanayaasha is doortay.
Mahmoud Mansour iyo Maral Malka waxa ay isku jeclaadeen gudaha magaalada Tel Aviv, waxa ayna maxkamad kutaala Tel Aviv ka dalbadeen inay soo saarto amar lagu joojinayo mudaharaadyada lagu diidan yahay Arooskooda .
kooxda Lehava ee midig fog oo ka soo horjeeda in ay isdhexgalaan Carabta iyo Yuhuuda ayaa loo ogolaaday inay mudaharaadkooda ku qabsadaan meel u jirta 200 oo mitir goobta uu ka dhacayo arooska.
Arooska Ninkan carabka iyo gabadhan Israa'il kasoo jeeda ayaa noqday mid aad u hadal hayaan Yahuuda iyo dadka caalamka kunool, waxaa sidoo kale arooskan oo kusoo aaday xili uu dagaal u dhaxeeyo Yahuuda iyo Falastiin .
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com