Dhaqaatiir Soomaaliyeed oo cashar ku saabsan khatarta cudurka Ebola ka bixiyey Jaamacadda Banaadir (Daawo Sawirada)

Monday, August 18, 20140 comments

Qaar ka mid ah dhaqaatiirta Soomaaliyeed ee ku taqasusay cudurada faafa ayaa cashar ku saabsan halista uu leeyahay cudurka dilaaga ah ee Ebola waxay ka bixiyeen xarunta Jaamacadda Banaadir ee magaalada Muqdisho.

Munaasabada dhegeysiga casharkan ayaa waxaa ka soo qeyb galay maamulka, Macalimiinta, hormuudyada kuliyadaha, ardayda wax ka barata kuliyadda caafimaadka ee Jaamacada Banaadir qaarkood iyo marti sharaf kale.

Waxaa ugu horeyn kulankan ka hadlay Dr. Maxamed Maxamuud Biday oo ah hormuudka kuliyada caafimaadka ee Jaamacada Banaadir oo sheegay in casharkan uu bilow u yahay tababarada ay jaamacadu siiso ardaydeeda inta lagu guda jiro xiliga fasaxa ee sanad walba (Summer Seminars)

“Barnaamijkan waxaan ugu talo galnay in kor loogu qaado aqoonta ardayda wax ka barata kuliyadda caafimaadka, waxaana casharo ka bixin doona aqonyahano nooga yimid gudaha iyo daafaha caalamka si aanu ula wadaagno aqoontooda, waxaana ugu baaqayaa ardayda iney ka faa’ideystaan” ayuu yiri Dr. Biday.

Casharkan ayuu sheegay inuu ku saabsan yahay cudurka dilaaga ah ee Ebola oo dhowaan ka dilaacay galbeedka Afrika kaasoo uu xusay inuu dhibaato ba’an dunida ku hayo, ayna illaa hadda u dhinteen dad ka badan kun qofood, lana ildaran yihiin illaa labo kun oo kale.

“Maadaama dalalka uu sida ba’an u aafeeyey cudurkan qaarkood sida Siere-leone ay ciidamo ka joogaan dalkeena, qatar badana ay halkaas ka iman karto ayaan u dooranay inaan casharkan ku soo qaadano cudurka Ebola iyo sidii aan isaga wacyi gelin laheyn” ayuu intaa ku daray hormuudka kuliyadda Caafimaadka jaamacadda Banaadir.

Intaa ka dib waxaa kulankaas casharo ku saabsan cudurka Ebola ka jeediyey dhaqaatiirka kala ah Prof. Xasan Xaaji Maxamed Shuuriye iyo Dr. Maxamed Maxamuud Fuje oo ku dheeraaday, sharaxaad badana ka bixiyey halista cudurkan, waxaa uu yahay, halka uu ka yimid, sida loo kala qaado, ka hortagiisa iyo arrimo kale oo la xiriira.

Prof. Shuuriye oo casharka ku hormaray ayaa sheegay in cudurkan uu keeno jeermi la yiraahdo Virus oo marka uu jirka bani’aadamka galo weerara unugyada muhiimka ah ee jirka qaarkood kaasoo sababa in qofku uu ugu dambeyn u dhinto dhiig bax, isagoo xusay in dadka uu cudurkan haleelo ay %90 u dhintaan.

“Cudurkan waxaa la iskugu gudbin karaa qaabka loo yaqaano (Contact) ama inaad xiriir la sameyso dhiig ama dheecaan ka yimid qof qaba cudurkan ama inaad taabato jirkiisa ama meel uu laga heli karo dhecaan ama dhiig jirkiisa ka yimid, marka qofku cudurku ku dhaco waxaa jirkiisa ka soo yaacaya dhiig dareeraya” ayuu yiri Dhaqtarku.

Prof. Shuuriye ayaa sheegay in dadka ugu badan ee qatarta ugu jira iney qaadaan cudurkan ay yihiin, dhaqaatiirta ku howlan daweynta dadka uu soo ritay iyo kuwa ka shaqeeya nadaafada ee dhaqa dhiiga ka yimaada dadka cudurkan qaba, isagoo tilmaamay iney jiraan qaabab loogu talo galay dadkan iney cudurka uga feejignaadan.

“Viruska keena cudurkan waxaa la ogaa illaa 1979, isagoo markii ugu horeysay lagu arkay labo dal gaar ahaan magaalo lagu magacaabo Nazara oo Sudan ka tirsan iyo magaalo lagu magacaabo Yambuko tuulo ka tirsan oo saaran webiga lagu magacaabo Ebola oo ah halka uu ka yimid magaca cudurkan loo bixiyey, illaa xiligaasna WHO waxay sameysay dedaal badan laakiin nasiib daro illaa hadda looma hayo dawo iyo talaal rasmi ah marka laga reebo dawo dhowaan la soo saaray oo weli tijaabo ku jirta” ayuu intaa ku daray Dr. Shuuriye.

Waxaa uu xusay iney jiraan noocyo ka mid ah cudurkan oo ku dhaca xaywaanada qaarkood sida Fiidmeerta iyo daanyeerka kuwaasoo uu sheegay in laga cuno qaar ka mid ah dalalka hadda uu cudurkan faraha baas ku hayo qaarkood, wuxuuna xusay in marka la qalayo daanyeerka ama fiidmeerta ay suuragal tahay in cudurka uu bani’aadamka halkaas uga soo gudbo.

Sidoo kale waxaa qeyb labaad oo casharkan ka mid ah halkaas ka bixiyey Dr. Maxamuud Maxamed Cali (Fuje) oo isna sheegay in cudurkan uu walaac isa soo taraya ku hayo caalamka illaa buu yiri heyadda caafimaadka aduunka WHO ay gaarsiisay heer ah in dalka lagu arko aan laga bixin lana gelin, taasoo uu tilmaamay iney keenayso hoos u dhac ku yimaada dhaqaalaha dalalkaas maadaama la jarayo wixii xiriir ganacsi ah iyo arrimo kaleba leh ee ay la lahaayeen aduunyada inteeda kale.

“Waxaa tusaale kuugu filan markii cudurkan uu ka dilaacay dalalka Gini, Siere-leone, Nigeria iyo qaar kale, dowlada badan ayaa joojiyey dayuuradahoodii dalalkaas tegi jiray, qaar kalena muwaadiniintooda ayey uga digeen iney dalalkaas booqdaan” ayuu yiri Dr. Fuje oo dhinaca kale xusay in inkastoo Somalia ay ka fog tahay galbeedka Afrika ay haddana qatar ugu jiri karto cudurkan maadaama aysan jirin dowlad adag oo koontrooli karta xuduuudaha badda iyo beriga, dhinaca kalena ay joogaan ciidamo ka yimid qaar ka mid ah dalalka uu cudurkan asiibay ee galbeedka Afrika, isagoo xusay in cudurada faafa aysan laheyn xuduud.

Intii dhaqaatiirtan ay bixinayeen casharkaas ayaa goobta lagu soo bandhigay filim kooban oo laga soo qaaday dad uu ku dhacay cudurkan, calaamadaha lagu garto, qaabka loo kala qaado, sida dhaqaatiirta la tacaaleysa dadka cudurkan uu ku dhacay ay uga gaashaaman lahaayeen qatartiisa iyo macluumaad kale oo ku saabsan Ebola Virus.

Ugu dambeyn waxaa kulankaas khudbad kooban ka jeediyey gudoomiyaha Jaamacada Banaadir Dr. C/risaaq Axmed Dalmar oo u mahad celiyey dhaqaaatiirtii halkaas ka bixisay casharka ku saabsanaa cudurka dilaaga ah ee Ebola, wuxuuna xusay in casharkan uu ku soo aaday xili muhiim ah oo loo baahnaa in dadku ay wax badan ka ogaadaan cudurka Ebola.

“Jaamacadda Banaadir waxaa saaran masuuliyad heer qaran ah oo ku saabsan dhinaca caafimaadka dalka haddii ay noqon laheyd dhinacyada cilmi baarista, wacyi gelinta iyo daryeelka caafimaadka intaba maadaama ay wax ka bartaan ardayda ugu badan dhinaca caafimaadka dalkeena, macalimiinta ugu khibrada badan kana qelin jebiyeen ardayda ugu badan dhinaca caafimaadka.

Dr. Dalmar ayaa sheegay in cudurka Ebola iyo kuwa la midka ah ay cadeyn u yihiin muhiimada uu leeyahay barashada cilmiga caafimaadka bulshada maadaama cudurkan uusan laheyn dawo balse uu leeyahay ka hortag iyo in la iska ilaaliyo waxyaabaha keeni kara, isla markaana laga shaqeeyo caafimaadka shaqsiga ah iyo midka degaanka.

“Iyadoo ka duuleysa arintaas ayaa jaamacada Banaadir waxay dhowaan hirgelisay dugsiga tababarka caafimaadka bulshada (Master Public Health) oo loogu talo galay dhaqaatiirta iyo bahda kale ee caafimaadka kaasoo aan isla wadno Jaamacadda Makerere, waxaana sidoo kale hadda qabashada araajidiisa ay socotaa (Bachelor Public Health)” ayuu intaa ku daray Dr. Dalmar.

Gudoomiyaha Jaamacadda Banaadir ayaa xusay in sanadkan ay jaamacadda ku soo biiri doonaan kooxdii 14aad ee bilaabeysa kuliyadda caafimaadka, isagoo dhinaca kale xusay iney isla sanadkan ka qelin jebin doonaan kooxdii 7aad isla kuliyada Caafimaadka, waxaana jira ayuu yiri isbitaal weyn oo jaamacaddu dhistay kaasoo xoojin doona barashada caafimaadka bulshada, isagoo tilmaamay in dhamaan kuliyadaha kale ee jaamacadda lagu sameeyey dib u habeyn sare.

























_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog