Qaar kamid ah Ciidamada AMISOM ee jooga Soomaaliya oo soo wajahday Mushaar la'aan Dhoor bilood ah

Wednesday, August 20, 20140 comments

Ciidamo katirsan Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM gaar ahaan kuwa kasocda Dalka Uganda ayaa ka cabanaya Mushaar la'aan soo wajahday mudo dhoor bilood ah , waxa ayna cabasho u gudbiyeen Baarlamaanka dalkaasi.


Sida uu sheegay xildhibaan ka tirsan gudiga difaaca Baarlamaanka Dalka Uganda Ciidamada AMISOM ee kasocda Dalkaasi ayaa mudo lix bilood ah waxa aysan qaadan mushaarkii ay xaqa u lahaayeen .



Ciidamada AMISOM ayaa askari walbo oo katirsan waxaa u qoran Mushaar ahaan bishii in uu qaato lacag gaareysa 1,028 doolar, waxaana hada Ciidamada Uganda kasocda ay ka dalbadeen Baarlamaanka dalkaasi in lasoo fara galiyo mushaar la'aanta soo wajahday.




Xildhibaan Milton Muwuma oo katirsan Gudiga Difaaca Baarlamaanka Dalka Uganda ayaa Warbaahinta dalkaasi u sheegay in askar uu la hadlay oo jooga Soomaaliya in ay u sheegeen in aysan dhoor bilood wax mushaar ah aysan arag ayna dhibaato xoogan arintaasi ku qabaan.



“Markii aan diiwaan geliyay arimo badan oo iiga imaanayay askarteena ku sugan soomaaliya, waa arin wasaarada difaaca looga baahan yahay inay shaaciso xiliga ay na hor imaanayaan inta gudiga dicaafa iyo arimaha caalamka uusan kulmin”sidaasi ayuu yiri xildhibaan Muwuma.



Masuuliyiin ka tirsan wasaarada difaacaa ayaa sheegay inay jadwaleeyeen xiliga ay la kulmayaan gudiga difaaca iyaga oo kala hadlay qorshaha miisaaniyada 2014/15. taliyaha ciidamada difaaca Uganda Gen Katumba Wamala ayaa Talaadadii sheegay in dib u dhaca dhaqaalaha uusan aheyn qiyaano lagu sameynayo ciidamada Uganda , waxa uuna intaa ku daray inay jiraan lacago aan askarta loo siinin sida mushaaradka oo kale laakiin loo siiyo sida gunooyin ay leeyihiin.



“AMISOM ma ahan howlgalka Uganda, waxaa qaabeeya midowga Africa haddi aysan la siinin lacagtana ma u gudbin karno ciidamadeena”ayuu hadalkiisa kusii daray taliyaha ciidamada Uganda.



Ciidamada AMISOM ee howlgalka u jooga Dalka Soomaaliya ayaa qaata mushaar aad uga badan kan ay qaataan Ciidanka Xooga Soomaaliya , waxaana taasi kasii faran in Ciidamada Xooga Soomaaliyeed mararka qaarkood aysan dhoor bilood helin Mushaarkii ay lahaayeen.













_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog