Qayaano jaceyl ay gabar ku sameesay wiil aad u jeclaa iyo wiilka oo aad u niyad jabay

Saturday, August 2, 20140 comments

Wiilkaani ayaa waxa uu Magaciisa iigu soo kaabiyay Maxamed Qurux waxa uuna ku noolyahay dagmada yaaqshiid ee gobolka Banaandir waxa uuna iiga war bixiyay qayaano jaceyl oo aad u xanuun badan oo ay kusameesay Gabar Soomaaliyeed oo xataa igala xishooday in magaceeda loo adeegsado buuga hase yeeshee ku sugan isla dagmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaandir.

Maxamed qurux ayaa waxa uu iisheegay in gabadha ay isku barteen goob waxbarasho oo iskuul aheyd islamarkaana uu dhexmaray xiriir jaceyl oo aad u qotoweyn kaa oo gaaray meeshii ugu sareesay .

Maxamed ayaa waxa uu sheegay markii ay gabadha isbaranayeen in uu dhameyn rabay dugsiga sare ayadana uu u dhimnaa hal-sano oo kaliya hase yeeshee Maxamed iyo gabadha ayaa waxaa dhexmaray jaceyl aad u weyn kaa oo sida uu iisheegay gaaray heer la is aamino la iskuna kalsoonaado, waxa dhimanaa oo kaliyana ay ahaayeen is guursasho.

Xiriirkaan u dhaxeeye Maxamed iyo Gabadha uu Magaceeda iga codsaday in aanan buuga ku xusin ayaa waxa uu ii cadeeyay in xiririikoodu uu socday mudo 2sano iyo bilooyin ah.

Gabadha ayaa markii ay dhameysay iskuulka Maxamed u sheegtay in ay dooneyso in ay billaawdo Jaamacad islamarkaana waxa ay labadoodu kuwada Balameyn in hadii ay Jaamacada usoo dhamaadaan ay is guursanayaan.

Maxamed oo Gabadha aad ugu kalsoonaa islamarkaana sida uu iisheegaybay islaheesiinaye gabadha kalsoonida uu u qaaday awgeyd ayaa waxaa dhacday in uu ku taageero waxbarashada ay billaabeyso kuna faraxsan yahay in ay waxbarato asagoona ku adkeeye Balan ah in uu nolosha la qeybsado ayana ka aqbashay in ay nololkale oo asaga aheyn aynan marnaba lakulmi doonin.

Hadaba Maxamed oo kalsooni weyn u qabay gabadha ayaa hadana kalsoonidiisii sii saa’iday asagoona si farxad ay ku jirto uwatay Warbarashadiisa waxa uuna hamigiisa ahaa hadii ay u dhamaato jaamacada in uu helayo gabadhaan oo aadka kalsoonida ugu qaaday islamarkaana uu sida aadka ah u jeclaa.

Maxamed ayaa waxa uu iisheegay in ay gabadha Jaamacadii Billaawday islamarkaana ay dhiganeysay waqti gaarayo ilaa 3bilood imtixaanaadka jaamacadana ay soo dhawyihiin hase yeesheen kulamada u dhaxeeye Maxamed iyo Gabadha oo uu siduu isheegay ay ku kulmi jireyn xaafada gabadha ayaa waxa uu iisheegay in uu ku imaaday habacsanaan marwalbuu wacana mashquul in ay tahay ay u sheegeyso hase ahaatee waxa ay u sheegtay maxamed in mashquulka uu yahay jaamacada islamarkaana ay diyaarineyso casharada jaamacada imtixaakana uu soo dhawyahay .

Horay ayaa waxaa loo yiri Allow qof aan wax ogeyn ha cadaabin, (Maskiin Allaa umaqan) Maxamed ayaa arintii gabadha ay kumashquulsaneyd u fahmay diyaarinta cashirada jaamacada maadaama ay ku qancisay asagana uu ahaa mid aad ugu kalsoon gabadha nolosheedana islaheysiinaye.

Gabagabadii waxaa lagaaray isbuucii diyaarinta Imtixaanaadka jaamacada oo Maxamedba waxa uu ku mashquulsanaa diyaarinta Imtixaanka uu galayo hase ahaatee gabadha ayaa waxa ay ku mashquulsantahay islamarkaana ay isku diyaarineysaa sidii ay u guursan laheyd nin qurba joog ah ama Diyaasbaro ah xoogaa lacagana wata mar dhawna ka imaaday Yurub Maxamedna Allaa u maqan.

Maalintii gabadha lagu nikaaxinaye ninka qurba joogta ah habeenkeedii ayaa waxa uu Maxamed iisheegay asagoo murugo indhihiisa ka muuqato in uu wacay asaga oo doonayo in uu ogaado diyaarinta Imtixaanka halka uu u marayo iyo xaaladeeda kale waa ayna la hadashay oo waxa ayna tiri: “Aboowe hada waxaan joogaa Suuqbacaad oo Aroos ayaan ka imaaday” Markaas maxamed waxa uu ku yiri: “Makaligaa ayaa tahay oo makusoo doonnaa mase:” waxa ayna u sheegtay in ay gabdho la socdaan “Marka ay intaasi iisheegtay waan farxay maadaama nolosha aan jeclahay aysan aheyn cidlo waqtigaan habeenka ah oo ay maqantahay waxaana u tuuray $5” ayuu yiri Maxamed.

Maxamed ayaa waxa uu habeenkaasi ku jiray Imtixaan diyaaris ayada ileen waxa ay ku maqan tahay Cilaan saar oo waxa ay isku diyaarineesaa ninka Diyaasbarada ah “Allow Adoomadaada u gar-gaar”.

Maxamed ayaa asagoo dareen gooniyaa iimuujinayo iisheegay in uu gabadha inbadan uu wacay Subixii uu u bilaabanaye Imtixaanka markii danbana lahadlay intuu imtixaanka uusan gilin ka hor waxa uuna ii sheegay in uu ku yiri: “Abaayo Macaan hada ayaan imtixaanka jaamacada u fadhiisan rabaa ee iisoo duceey” (Maskiin!!!) waxa ayna ugu jawaabtay “Hayeh aboowe imtixaankaaga iska gal aniga hada mashquul ayaan ahay”.

Maxamed ayaa markii uu imtixaanka usoo dhamaaday xaafadana yimid ayaa asxaab kamid ah asxaabtiisa islamarkaana aanan wax ka ogeyn xiriirka ka dhaxeeyay gabadha iyo asaga hase yeeshee dhowr mar isku arkay ayagoo isla socda waxa ay u sheegeyn in saakay la aroosaye gabadhii uu jeclaa Maxamed islamarkaana ay gabadhu wacay ayna soo cuneyn hilibkii nikaaxeedii uuna aroosay nin Diyaasbaro ah.

Marka ay sheekadu intaa Mareyso Maxamed ayaa waxaa usuura gili weyday in uu iisii wado hadalka iyo in uu iiga warbixiyo dareenkiisii xilligaas maadaama ay muuqato Qayaanada weyn ay loo geystay.

Xadiis kasugnaaday Rasuulka (SCW) ayaa waxa uu ahaa: (Qayaanada iyo Balan kabaxa inay kamid yihiin Astaamaha lagu garto Munaafiqiinta), Soomaaliduna waxaa moodaa in ay dabeecado ka dhigteen calaamadahaasi foosha Xun ee lagu yaqaano Munaafiqiinta.

Maxamed oo niyadiisa si fudud u qaadan weysay waxa dhacay islamarkaana ii sheegay in uu xoogaa miir daboolsanaa ayaa waxaa u cadaatay in ay Runtahay waxa dhacay.

Waxa uu igu yiri “Waan wacay dhowr Jeer telkana waa la iga qaban waaye waxaana ogaaday xaqiiqada mar danbo oo aan la hadlay Gabadh la dhalatay ayada”.

Isbuucyo kadib Maxamed ayaa waxaa dhacay asaga oo Mobile wacayo xilli galab ah in gacanta uga fakaday Numbarkii gabadhii Qayaanada ku sameysay wuuna ka laabtay, waxa uuna wacday qofkii uu rabay in uu Waco laakiin waxaa dhacday in gabadhii ay soo daba gasho Numbarkii Maxamed Qurux waa ayna salaami maaktay hase yeeshee Maxamed wali Jaceylkeedii halmaamin oo niyada ka jecel laakiin og jabkii ay u geysatay iyo Xanuunkii ayaa ku yiri: “Walaal Raali Noqo Tel kale ayaan kugu soo qalday wuuna ka dansaday”.

Gabadha ayaana quusan oo waxa ay kusoo celisay Numbarka Maxamed Qurux mar kale oo lagaaray Xilliga maqribka waxa ayna u sheegtay in ay aad kaga xuntahay waxa dhacay ayadana aysan raali Ka aheyn balse Waalidkeed ku qasbeyn.

Maxamed ayaa hadalkaasi rumeysan waaye oo ah in Waalidkeed ku qasbeen waxa uuna yiri: “Waa la igu qasbay iska daayee, Aaway Balantii noo taalay?” Jawaab buuxda maysan ka bixinin ayuu igu yiri Maxamed, Maxaa yeelay waxa ay ogtahay Balanta in ay qeyb ka tahay Diinta.

Wixii la sii hadlabo Maxamed ayaa Sabar Muujiyay maadaama wali gabadha hadaladeeda uu ka dheehanayo (Jaceyl ay u qabto) waxa uuna iisheegay in uu cafiye islamarkaana waxa ay usheegtay in ninkii lagu daray uusan joogin walina Aqal aysan la gilin islamarkaana uu dhacay oo kaliya nikaaxii.

Gabadha ayaa maxamed ka codsatay in uu garab taagnaado waxa ayna usheegtay in ay dooneyso in ay soo ciliso Jaceylkoodii ayadoona ku tiri “Aniga ninkaas ma rabo waalid ayaa qoorta ii giliyay wax walboo dhacana waan iska furi doonaa, oo dadaal ayaan galayaa ee adiga garabkeega ahoow” .

Maxamed oo ah naf wax jecel ayaa ka ogolaaday Arintii waxa uuna u balan qaaday in uu garab siinayo wax walbana sidii hore aye kusoo laabteen waxa uuna iisheegay in ay maalmooyin kulmeyn, waxa uuna ii cadeeye Maxamed marka uu gabadha wajigeeda fiiriyo in uu Jaceyl xad dhaaf ah uu dareemaye gaar ahaan labadeeda indhood ayada jaceyl ka dareemaye, is aaminaadii iyo kalsoonidii ayaa ilaa xad soo laabatay.

Maxamed ayaa iisheegay in uu xoogaa dareemaye walwal ah in uu soo laabto ninkii gabadhiina uu waayo .

“Mar walboo Waco gabadha waxa aan weediiyaa meesha ay wax u marayaan , ayadana waxa ay iisheegtaa in aysan wali wada hadlin ayuu igu yiri maxamed. Xoogaana waxaan fahmay in aysan u suura gili Karin hadalka ay ii sheegtay oo ahaa in ay Ninkii iska fureyso wax walboo dhaco.

Maxamed Qurux ayaa tilmaamay in uu dareemay mashquulkii uu horay uga bartay iyo in aanan telka cayoow laga qaban waxaana mar labaad ku dhacay niyad jab weyn oo ah in uu waaye Gabadha dadaalkiina uu ahaa mid afka ah laguna meel gaaraye oo waxa uu iisheegay in ay ku tiri “Aniga wax waan qaban waaye sheekadiina waa la iigu fahmay ninkiina wuu soo socdaa ee ogow”.

Maxamed ayaa walwal xoogan iyo burburkale soo wajahay waxa uuna imnka yahay mid aad u niya jabsan marka aad la hadleyso waxa uuna yiri: “Hadii aan waaye nolol aan aaminay kuna kalsoonaa waqti badan , dhibaato iyo rafaadna aan lasoo maray ma ii suura galeyso in aan xiriir kale sameeyo”.

“waxa dhacay waligee kumaan fikireyn, waqti badna waan dhumishay Mustaqbalkeegiina wuu baaba’ay, hadii noloshii aan aadka u jeclaa islamarkaana aan aamniyay iqayaantay masuura galbaa in aan aamino nolol kale?”

“Dhibaatada iyo Rafaadka aan usoo maray iyo Abaalkii aan ugalay iyo niyad wanaagaa u qabay waxa ay iigu badashay Qayaano” ayuu yiri Maxamed.

Hadaba aqriste maxaa talo ah oo aad siin laheyd walaalkeen maxamed oo ay gabadhu qayaanadaas u geysatay mase jirtaa wax digniin ah oo usoo jeedineyso dhalinta Soomaaliyeed? Maxaase gabadha ku kalifay ayaad is dhihi kartaa inay qayaanadaas ay ku kacdo ??.










_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog