Liiska Masuuliyiinta Sirdoonka Ethiopia u shaqeeya ee ka tirsan Xukumadda Somalia

Saturday, August 2, 20140 comments

Wax ka ogow Jagooyinka Muhiimka ah ee Sirdoonka Ethiopia ay ku Leeyahiin Xukuumada ay Madaxda ka yahiin Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud iyo Ra,iisal Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed.

Wasiirada kala ah Mustaf Cali Dhuxulow Warfaafinta,Maxamed Sheekh Xasan Gaashaandhiga, Ciyaaraha Dr Khaalid Cali Cumar, Maaliyada Xuseen Cabdi Xalane, Cadaalada iyo Arimaha Dastuurka Faarax Sheekh Cabduqadir. dhamaan Ragaas waa Xubno Muhiim ah oo ka tirsan Sirdoonka Ethiopia waxaa sidaas ii Xaqiijiyey mid ka mid ah Siyaasiyiinta xog-ogaalka ah ee Soomaaliyeed oo xilal kala duwana ka soo qabtey Dawladahii Soomaaliya soo marey waxaana uu intaas iigu darey in Magacaabista Xilalka ay hayaan Ragaas ay ka dambeysey Dawlada Ethiopia welibana Xukuumada Ethiopia iyada ay dalbatey in Wasiiradaas Madax looga dhigo Wasaaradaha Muhiimka ah sida Maaliyada,Gaashaandhiga,Cadaalada iyo Arimaha Dastuurka iyo Warfaafinta taasoo ay aqbaleen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud iyo Ra,iisal Wasaare Cabdi weli Sheekh Axmed.

Waxuu kaloo Siyaasigan oo aan dooneyn inaan Magaciisa Shaaciyo uu iigu Dhaartey in Wasiir Mustaf Dhuxulow ,Wasiir Dr Khaalid Cali Cumar iyo Wasiir Faarax Sheekh Cabduqadir ay Gacan weyn ku siiyeen Sirdoonka Ethiopia iney si Qarsoodi ah Qalabka wax Basaasa ugu xirtaan Xafiisyada Madaxweynaha, Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo kan Ra,iisal Wasaaraha.

Ugu dambeyn Siyaasiga Arimahan ila wadaagey waxuu ii sheegey inTaliyaha Cusub ee Sirdoonka Soomaaliya Cabdulahi Maxamed Cali Sanbalooshe uu isaguna mudo dheer ka tirsanaa Sirdoonka Ethiopia haatana ay Dawlada Ethiopia Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud iyo Ra,iisal Wasaare Cabdiweli sheikh Axmed ku Cadaadisey in Jagadaas loo Magacaabo Mr Sanbalooshe.

By Abdullahi Kolombo











_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog