C/laahi Sheikh Xasan oo ka mid ah Siyaasiinta Soomaaliyeed ee ku sugan Magaalada Muqdisho islamarkaana Saakay Guriga uu ka dagan yahay Magaalada Muqdisho ay ku weerareen Ciidamada Nabadsugida Somalia ayaa waxa uu ka hadlay warar sheegaya in lagu xiray Xarunta Nabadsugida.
C/laahi Sheikh Xasan ayaa waxa uu beeniyay wararka sheegaya in lagu xiray xarumaha nabadsugida Qaranka Somalia, waxa uuna Tilmaamay inuusan aheyn dambiile balse isaga dambi laga galay.
Waxa uu sheegay inuu ku sugan yahay Gurigiisa oo ku yaala Degmada Wadajir islamarkaana uu caafimaad qabo, sida uu hadalka u dhigay.
Dhanka kale waxaa Saraakiil ka tirsan Xafiiska Madaxtooyada Soomaaliya uu cadeeyay in Axmed Xasan Cadoow Axmed Daaci lagu hayo Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya oo uu ku sugan yahay.
Ciidamada Nabadsugida ayaa waxa ay maalmahaani wadeen Howlgalo lagu maja-xaabinaayay Siyaasiyiinta iyo shaqsiyaadka Dhaliilaha Dowlada u jeediya ee ka hadla Idaacadaha.
Subaxnimadii Saakay ayey aheyd markii Ciidamada Nabadsugida Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay Weerar ku qaadeen Axmed Daaci iyo C/laahi Sheikh Xasan .
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com