Xerada Xalane oo lagu soo bandhigay Hub iyo Maleeshiyaad Daacad u ahaa Axmed Daaci (Daawo Sawirada)

Saturday, August 16, 20140 comments

Taliska Ciidamada Midowga Afrika AMISOM ayaa goordhaw Xarunta Xalane ee Magaalada Muqdisho waxa ay kusoo bandhigeen Maleeshiyaad hubeesan oo saakay kula Dagaalamay Degmada Wadajir iyo hub ay soo qabteen.

Taliyaha Qeybta koowaad ee Ciidamada AMISOM Dick Prit Olum oo Warbaahinta kula hadlay Xarunta Xalane ayaa sheegay in Ciidanka AMISOM iyo kuwa Dowlada ay saakay howlgal ku qaadeen goobo bartilmamaeed u ahaa oo kuyaala Degmada Wadajir balse ay dagaal kola horyimaadeen sida uu sheegay Maleeshiyaad hubeesan.Fall

Dick Prit Olum ayaa sheegay in Ciidankooda iyo kuwa Dowlada ay dagaal la galeen Ciidamo hubeesnaa oo kusugnaa Degmada Wadajir , waxa uuna shaacay ka qaaday in howlgalkooda uu guul kusoo dhamaaday .

AMISOM ayaa Warbaahinta Xarunta Xalane waxa ay ugu soo bandhigtay Hub iyo Maleeshiyaad gaaraya 18- kuwaa oo daacad u ahaa Gudoomiyihii Degmada Wadajir Axmed Daaci oo saakay looga adkaaya Dagaal uu la galay Ciidamada AMISOM iyo Nabad Sugida.


Taliska AMISOM waxa ay sheegeen in hal askari uu kaga dhaawacmay Howlgakii saakay ay ka fuliyeen Degmada Wadajir waxa ayna Intaa ku dareen AMISOM in dhinaca kale ay ka dileen labo nin oo hubeesnaa kuwaa oo dagaal kala hor yimid ciidamada.

AMISOM ayaa shaaca ka qaaday in ay Al-Shabaab u aqoonsan doonaan cidii dagaal kala hor timaada Ciidankooda iyo kuwa Dowlada ayna ula dagaalami doonaan sida ay ula dagaalaan Dagaalyahanada Al-Shabaab.

Hanjabaada Cusub ee AMISOM kasoo yeeray ayaa u muuqda mid lagu cabsi galinayo ku cabsi galinayo Siyaasiyiinta hubeesan ee la qorsheenayo in hubka laga dhigo kuwaa oo kusugan qaar kamid ah Gobolada Dalka gaar ahaan Magaalada Muqdisho.












_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog