Gudoomiyaha Isbaheysiga Nabada Soomaaliya Cabdulaahi Sheekh Xasan oo goordhaw Wareysi gaar ah siiyay Shabakada shumis.net ayaa ka hadlay go’aano dhanka amaanka la xariira oo kasoo baxay Shir maanta golaha Wasiirada ku yeeseen Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.
Cabdulaahi Sheekh Xasan ayaa sheegay in go’aanada kasoo baxay Shirka golaha Wasiirada ee la xariira hubkadhigista uu yahay mid ujeedooyin badan laga leeyahay laguna doonayo in lagu baneesto xoog ku qaadashada hubka ay isku ilaaliyaan Xildhibaanada , Siyaasiiinta iyo Shirkadaha ka howlgala Magaalada Muqdiso.
Waxa uu tilmaamay Siyaasigan in uu taageersan yahay in hub ka dhigis ay sameyso Dowlada Soomaaliya balse uu aad uga xun yahay qaabka ay xiligan Dowlada Federaalka ku wajaheyso in hubka ka dhigto Siyaasiyiinta , Xildhibaanada iyo dadka kale ee naftooda ku ilaashada ee kusugan Muqdisho.
‘’ In hub ka dhigis Dowladu sameeyso ma xuma waana taageersanahay laakin waxaa isweediin mudan waxa Magaalada Muqdisho kaliya kusoo koobay in hub ka dhigis lagu sameeyo, Dowlada waxaa laga rabaa in ay amaankooda sugi karto Siyaasiyiinta, Xildhibaanada iyo dadka kale ee naftooda ku ilaashada hubka ay heestaan, waxa aan ognahay in Dowladu taasi aysan awood u laheyn oo Madaxweynuhu horey u qiray in aysan xitaa ilaalin Karin amaanka Xildhibaanada Baarlamaanka ‘’ ayuu yiri Cabdulaahi Sheekh Xasan oo la hadlay Shabakada Allbanaadir.com.
Gudoomiyaha Isbaheysiga Nabada Soomaaliya waxa uu ugu baaqay Ra’izul Wasaaraha Soomaaliya in hadii ay Dowladu hub ka dhigis sameeneyso in ay noqoto mid saameysa oo laga wada sameeyo hub ka dhigista Gobolada Dalka oo dhan balse aan lagu bartilmaameedsan kaliya dadka Muqdisho jooga.
‘’Waaa isweediin mudan R/Wasaaraha marka uu leeyahay hubka halaga dhigo dadka Muqdisho kaliya, maa hub ka dhigis lagu sameeyo Gobolada Dalka oo dhan sida Gedo , Jubooyinka Baydhabo iyo guud ahaan Goobaha ay Dowladu maamusho, waxaa sidoo kale layaab leh in Dowlada ay ku jiraan Masuuliyiin aan tagi Karin deegaanada ay kasoo jeedaan hadana u ololeenaya in dadka degan Magaalada Muqdisho hubka laga qaado, Waxaan ugu baaqaaa hadii daacad jirto R/Wasaaraha in hubka laga dhigo dhamaan dadka hubeesan ee dalka jooga balse aan gaar loo bartilmaameedsan dad gaar ah ’’ ayuu yiri Cabdulaahi Sheekh Xasan.
Cabdulaahi Sheeklh Xasan ayaa xusay in ololahan cusub ee hub ka dhigista ah ee Dowladu bilowday uu yahay mid lagu doonayo in koox gaar ah dalka Afganbi ku qabsato si Doorashada 2016-da loo waayo cid kula tartanta ama kahor timaada Kooxda hada talada Dalka heesata.
Waxa uu ugu dambeyn Siyaasigan Soomaaliyeed wax laga xumaado ku tilmaamay caburinta ay saxaafada ku bilowday Dowlada Soomaaliya , isagoona xusay in manta la xiray Wariyaal war ka duubayay Siyaasiyiin Muqdisho kusugan halka shalayna la xiray Idaacadaha SKY iyo Shabelle.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com