VIDEO: Daawo Orodyahan Soomaaliyeed oo guulo kasoo hooyay K/Afrika una baahan Taageero

Sunday, August 17, 20140 comments

Cabdi-baaqi Xasan oo ah Orodyahan Soomaaliyeed oo ku nool dalka Koonfur Afrika ayaa ka soo muuqday kooxaha ciyaaraha Orodka ee dalka S/Afrika.

Orodyahankaan Soomaaliyeed oo ku nool xaafadda Willinghton ee magaalada Cape Twon ayaa dedaal dheer u galay islamarkaana xoogga saaray ciyaaraha Orodka iyo sidii uu uga mid noqon lahaa mid ka mid ah ciyaartoyda Orodka ee kooxaha heerka koowaad ee Koonfur Afrika si uu usoo nooleeyo sumcadda umadda Soomaaliyeed.

Ciyaaryahankaan Soomaaliyeed ee dhinaca Orodka ayaa haatan waxa uu u cayaaraa mid ka mid ah kooxaha heerka labaad oo uu maalgeliyo Bankiga weyn ee NEDBANK, waxaana uu sheegay inuu taageero ka waayay, hadey ahaan lahayd xiriirka Olymbic-da Soomaaliyeed oo iyagu aanu eegin ciyaaryahanada Soomaaliyeed ee Qurbaha kasoo baxay, kuwaasoo mustaqbal ku leh ciyaaraha caalamiga ee tartamada Orodka.

Cabdi-baaqi Xasan ayaa dhowr jeer guulo muhiim ah usoo hooyay Soomaaliya, maadaama tartamo caalami ah oo uu ka qayb galay si weyn loogu arkay Calanka Soomaaliyeed oo ka dhex babanaya.

Soomaalida Koonfur Afrika ayaa Orodyahankaan Soomaaliyeed u arka mid sumacd iyo sharaf u soo hooyn kara umadda Soomaaliyeed.















_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog