Dhalinyarada soomalida ah aya siyaaba kala duwan ula hasaawa dumarka qaarbaa kumashqulsan isticmaalka facebok ama twitter iyo paltalk yanan katagine iyo waliba talefonka gacanti gabi ahan marka la isku soowada duubo hadafkoodu wa in ay helaan midi nolosha ay lawadagi lahaayeen.
Mararka qaar aqristow waxa niyadaada soogalaya tolow cid anan waligey arag sideen kudhaha wan kujeclahay, Inkasto wan kujeclahay sanawaadkan dambe raqiis ay iska noqotay, Halka dadkii hore marka ay wax jeclaadan ay udhibtoon jireen kalmada ah wan kujeclahay.
Wax walbo toosna gadi gadi ayey hatan ushaqeeyan, cinwankaba sidan kuxusay cid walbana daremi karo micnaha shekada, Hadan udaadago kawaranka shekadan adka umacaan, Waxa jiray wiil aad u jalaqsan waxa uu ad ugu mashquuli jiray isticmalka taxt messeges ka malin ayuu saxiib gabar ah hawada ka bartay tolow wa sidee ha barta maxume waxa ad uu ula dhacay shanqarta adka umacan ay marka ay hadleysaba ad leedahay tolow ma kasarki lashegi jiray aya dhuunteeda kuxiran warka yanan idinku daaline waxa ay wada hadlan ama fariin mudo ay isku diranba waxa kadhax kacay duufan hasawe oo ad u gil gishay labadooda dhaxdooda taa oo gabadha qudheeda kubertay kalgaceyl an kadhicin dhankiisa .
Maalin ayey balamen waxa ayna soo qaadatay indhashareer isaguna cadi ayu aha mana dhihin wajigaada itus oo waxa uu is yiri sida ay ucod macantahay ayey udhaaya qurxoontahay, wad taqaan dhalinyaro hasaawdee waxa uu kushquulay eegida gabadha jirkeeda oo ad uqurux badnaa kaa oo an ba kutusineyn xata hadalka inad toos ula hadasho niyadu iska yiraa gabadha jirkan leh rabiya kusiiyee ka qari cadaawaha isagoona mankiisa ay kuwareegeyso oraah ahayd daahana hortii dafanaa jooga waxa uu kacodsaday in ay is guursadan lamane nolosha kumidoobana noqdan.
Aqriste waxad is weydiineysaa mawajigeeda arko wa mida mida dadka jaha warerisay lakin waxa aqristayashu uga qancan wiilkan jalaqsan ( in jaceylku jir yahay iyo jahanama lashida yahay) waxa ay tiri isoo doono gabadhu uma shegin waxa ay indhasharerka isaga dhigi la’adahay haben iyo malin lakin asagu waxa uu uqaatay (quruxdas eebe siiyay inan lala qeybsaneynin) watu uga qancee gabadhi wala doonay aabahed waxa uu kuyiri gabadha masoo heshiisen wax walbana makushegtay wiilku waxa uu isyiri odayga wakugu adkeynayaa e iska celi markaa buu yiri wan isku afgaranay wax walba .
Hadan qish yar idin siiyo gabadha jirkeedu waa uu wacan yahay lakin afka iyo sanka ayaa iyada oo yar shil ay gashay uga burburtay taa oo aadmi damqada si wacan usan u eegi karin iskaba daa inuu jeclaadee.
Waxa la isugu tagay xafadi gabadha waxana soorya geeyay cidi wiilka waxa walba marki ay dhamaden aya gabadha oo indha sharer leh ay sogal biyen cidi gabadha dhashay madama ay ayagu wax walba ogyihiin lakin dadweynihi arooska kasoqeyb galay waxa ay kutilmaameen model cusub oo aroos ah loona galbiyo lamanaha isdoortay.
Mararka qaarna xafadaha waxa si xana loga maqla cida gabadha dhashay wa aqwan marka maraban in gabadhooda la arko, Hawshu waxa ay kusoo biyo shubatay in la isugu yimad madasha qolkii arooska marka uuse wajiga kafuray naxtin ayuu lasuxay habenki sida uu ubadna wa miir la’aa inta kadhimneyd wabarigana cabsi ayuu kugaaray gunaanadkuse waxa uu yahay (mahubsade meel xunbaa udambeysa) subixi waxa yimid odaygii wiilka dhalay wiilkuse waxa uu uga warbixiyay dhacdadii xalay oo lakulmay, odaygii aya kuyiri oo awalba soo kuma guursan oo jaceyl ad uqabto uma keensan, marka wiilku waxa uu kuqeylyay alaa aabe ( MIYAN SURADEEDA AQAANAY SOWTKEEDAAN GARANAAYEE) wa fariin dhalinta kusocta gabi ahan halka ad wax dhigeyso hubi oo iska fiiri.
Gabadhiina todobadii oo haben qura laga galay aya la is furay.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com