Warar dheerad ah oo kasoo baxaya Weerarkii xalay lagu qaaday Guriga Qanyare iyo Qasaaraha ka dhashay Weerarkaasi

Monday, August 11, 20140 comments

Habeenimadii xalay Ciidamo katirsan Hay’ada Nabad Sugida Dowlada Soomaaliya ayaa weerar u muuqdy mid qorsheesan waxa ay ku qaadeen guriga uu Magaalada Muqdisho ka dagan yahay Xildhibaan Cabdi Wali Maxamed Qanyare .

Dagaal culus ayaa dhacay kadib markii Ciidamo katirsan Hay’ada Nabad Sugida isku dayeen in ay xoog ku galaan Guriga Xildhibaanka , waxaana xiligaa kadib goobta ka qarxay dagaal u dhaxeeyay Ciidamada Nabad Sugida iyo ilaalada Guriga Xilhibaan Cabdi Wali Qanyare.

Inta la xaqiijiyay Sargaal katirsanaa Ciidamada Nabad Sugida oo la sheegay in uu Howlgalka hogaaminayay ayaa ku dhintay , waxaa sidoo kale dhaawacyo kala duwan ee soo gaareen labo kamid ah ilaaada Guriga Xildhibaan Qanyare.

Xaalada halkii uu xalay dagaalku ka dhacay ayaa saakay dagan, Ciidamada Nabad Sugida ee xalay weerarka qaaday ayaana dib ugu laabtay saldhigyadooda iyaga oo ku fashilmay howlgal qorsheesan ay damacsanaayeen in ay fuliyaan.

Sida Wararka aan ku heleyno Ciidamada Nabad Sugida ayaa ujeedkoodu ahaa in ay gacanta kusoo dhigaan Siyaasiga Cabdi Nuurre Siyaad oo loo yaqaan (Cabdi Waal) kaa oo dagnaa guri ku dhagan guriga Xildhibaan Cabadi Wali Qanyare.












_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog