Daawo Sarkaalkii horkacayay Ciidankii ruuxaanta ee Weeraray Gurigga Cabdiwali Qanyare oo la dilay -Korneyl Caydiid -Murusade.

Monday, August 11, 20140 comments

Guutadda Ruuxaanta ee ka tirsan Ciidanka Nabadsugidda Villa Somalia ayaa weerar ku qaaday guriga Cabdiwali Qanyare Afrax,waxayna doonayeen inay hubka dhigis ku sameeyaan sida uu sheegay.

Ciidanka Cabdiwali Qanyare ayaa si weyn iskaga difaacay Guutada Ruuxaanta ee urur diimeedka Damujadiid,waxaana weerarkaas ku dhintay Sarkaalkii hogaaminayay Ruuxaanta oo lagu magacaabo Korneyl Caydiid.

Korneyl Caydiid oo u dhashay qabiilka Hawiye gaar ahaan Murusade wuxuu adeegsan jiray bartaan Facebook.https://www.facebook.com/profile.php?id=100008361303546

Guutadda Ruuxaanta wuxuu ujeedkooda yahay inay hubka dhigis ku sameeyaan Siyaasiyiinta iyo Ganacsatada beesha Hawiye hasse yeeshee wejigii koowaad ee weerarkooda waxaa ku dhacay jab xoogan.

Somalia wali beelaha waa hubeeysan yihiin lamana gaarin dib u heshiisiin hubka lagu dhigi karo sidaas darteed qorshahii uu watay Faarax Cabduqadir waxaa muuqata inay si weyn uga hortageen beesha Hawiye.

Weerarka fashilmay ee caawa Ciidanka Ruuxaanta ku weerareen guriga Cabdiwali Qanyare waxaa la rumeeysan yahay inay xigi doonaan weeraro beelaha Muqdisho dego uga aargoosan doonaan kooxda Villa Somalia.

Beelaha Hawiye waxay ku tashadeen inay iska dhiciyaan Kooxda Villa Somalia,wuxuuna weerarkaan ka dhacay agagaarka Hotel Jazeera ee Magaalada Muqdisho.












_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog