Wiil iyo Gabar Soomaaliya u matalaya Tartanka Olympikada Dhalinyarada aduunka oo gaaray China (Daawo Sawirada)

Saturday, August 16, 20140 comments

Waxaa magaalada Nanjing ee dalka China gaaray wafdiga iyo ciyaartoyda Soomaaliya u metelaya tartanka Olympikada Dhalinyarada aduunka 2014 kaasi oo 16-ka bisha ka furmaya halkaasi.

Gudoomiye-ku xigeenka XSCF marwo Khadiijo Aden Daahir,Tababare Maxamuud Cadoow,Orodyahan Axmed Xuseen Xasan iyo orodyahanada Maryan Nuux Muuse oo ku tartami doona noocyada orodka 800m iyo 200m ayaa waxaa halkaasi kusoo dhaweeyay Macalin Cumar C/qaadir Baarajab oo GOS u qaablisan tartankaasi.

Cumar Baarajab oo Gudiga olombikada u qaabilsan carabta iyo aasiya ahna madaxa wafdiga GOS ee tartankaasi ayaa maalmo ka hor si weyn loogu soo dhaweeyay halkaasi,isagoo xusey in GOS ay mar waliba ku dadaasho sidii calanka dalka Soomaaliya uga muuqan lahaa fagaarayaasha caalamka.

Tartanka Olympica-da dhalinyarada aduunka (Nanjing 2014 Youth Olympic Games) oo ah kii 2-aad ee la qabto ayaa wuxuu si rasmi ah u bilaaban doonaa 16-ka bishan,waxana uu soo xirmi doona 28-ka isla bishaan Agoosto.
















_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog