Aqriso Magacyada Howlwadeeno katirsan Idaacada Shabelle iyo SKY FM oo maalintii labaad ku xiran Xabsi kuyaala Muqdisho

Saturday, August 16, 20140 comments

Waxaa Maalintii labaad Xabsi ay Dowladu leedahay oo kuyaala Magaalada Muqdisho ku xiran Masuuliyiin iyo Wariyaal katirsan Idaacadaha Madaxa banaan ee Shabelle iyo Sky Fm ee Magaalada Muqdisho.

Ciidamo katirsan Hay’ada Nabad Sugida Soomaaliya ayaa shalay xoog ku galay Xarumaha Idaacadahaasi kadib markii lagu eedeeyay labadaasi Idaacadood in ay tabiyeen Warar lidi ku ah amaanka Dalka.

Ciidamada Nabad Sugida ayaa xabsiga dhigay Agaasimaha Idaacadaha Shabelle iyo SKY iyo qaar kamid ah Shaqaalaha Idaacadahaasi kuwaa oo maalintii labaad ku xiran xabsi kuyaala Magaalada Muqdisho.

Halkan ka Aqriso Magacyada Howlwadeenada Idaacada Shabelle iyo Sky ee la xiray.

1 Guddoomiyaha Idaacadda Shabelle, C.maalik Yuusuf Maxamuud
2 Agaasimaha Idaacadda SKY Maxamuud Maxamed Daahir Carab.
3 Axmed Cabdi Xasan
4 Cali Axmed Cabdulle
5 Maxamed Axmed Maxamed Jimcaale
6 Ibraahim C.kariin Ismaan
7 Mustaf Cabdi Nuur Shafaana
8 Mustaf Cabdi Abshir
9 Maxamed C.qaadir Suldaanka
10 Ilyaas Aadan Cabdulle
11 Yaxye C.laahi Maxamed
12 Nuurdiin Shardi
13 Guuleed Cali Cismaan
14 Maxamed Cali Cismaan
15 Shacbaan

Lama oga sida ay Dowlada ka yeeli doonto Wariyaasha iyo Idaacadahan la xiray ee lagu eedeeyay in ay hurinayeen colaado ayna ku kaceen falal amaanka Qaranka lidi ku ah, Marar hore ayaana sidan oo kale Dowlada u xirtay labadan Idaacadood inkastOo markii dambe dib loo fasaxay.











_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog