Xaaskaada Mu U Furi Laheyd Hadii Saxibkaa Jaceyl u Qaado!!!? (QISO DHAB AH )

Friday, August 29, 20140 comments

Qisadaan Waa Dhacdo Cajiib ah In Badan Aad La Yaabi Doonto Lana Tacajubi Doonto Arintaan,Waxa ay Dhex Martay Labo Wiil oo Saxibo ah Marna ah Macalin iyo Ardey-giis Waxaana Lagu Kala Magacaabaa Salmaan iyo Shaakir,Waxa ayna Qisada u Dhaceysaa Sidan.

Salmaan iyo Shaakir Waa Labo Wiil oo Saxibo ah Aad na Isugu Dhow Waxaa Usii Dheer Waa Macalin iyo Ardaygii, Waxa ey Dadka Kale Dheer Yihiin Waa Labo Aan Waxba Kala Qarsan, Kubada Isla Cayaara,Wada Baashaala,

Shaakir Waa Maclin Waxa uu Si Qudba Siro ah Ku Qabaa Shukri oo ah Gabar Booyaaso ah Isla Markaana u Shaqeysa Reer Dhaqaalo leh oo Ka Kooban Nin iyo Xaaskii,Shaakir iyo Shukri Arinta Guur kooda Waxaa Kaliya oo La Socda Salmaan oo u Dhaxeeya Ahna Garsooraha Jaceylkooda Marka ay Isku Dhacaan Waa Ninka Gartooda Kala, Isku Maslaxa Waaba Marjaca Jaceylka Shaakir iyo Shukri,

Reerka Dhisan Waxa uu u Baahan Yahay Sabir iyo Dulqaad Si Loo Gaaro Hadafkii Hore ee Reerka Loo Aas-aasay, Shaakir Waxa uu Xariir Kale La Leeyahay Gabar Kale oo Ka Mid ah Ardada uu Waxbaro Waxa uuna Yahay Inta Badan Mid Dhan u Janjeera Waa Rag iyo Damacii ,Shukri aad Bey u Jeceshay Shaakir Waxa ayna Inta Badan Ka Aragtaa Waxyaabo aan Qancin Ayada,Farxad,Kaftan,FurFurnaan Intaba Kuma Heyso Mudooyinkii Dambe Waxa ayse Dacwooyin Dhowr ah oo ey u Gudbisay Xaakinkii Jaceylkooda oo ay Ugu Magac Dartay Father of Love ”Aabaha Jaceylka” Waa Salmaane Saxibkii Mar Walba Waxa uu Ku Canaantaa In Gabadhaa uu Ilaaliyo Kana Daayo Waxyaabaha ay Ka Cabaneyso.

Somalida Hore Ayey u Tiri Nin Meel u Cad Meel Ka Madow,Shaakir Maba Arko Baaqyada Is Daba Jooga ah ee Kaga Imaanaya Xaaska uu Qudbada Sirada Ku Qabo iyo Canaanta Saxibkii Markii La Isku Daalay Ayaa Shaakir Waxa uu Ugu Dambeyn u Go,ay Gabadha Ardayadiisa ah Waxa uu Dalaaqada u Fududeeyey Shukri,Arintaa Waxaa aad uga Xumaaday Salmaan Waliba Zaa,id Uga Carooday Balse Maxaa uu Sameeyaaa Saxibkii Go,aankiisa Waa uu Gaaray.

Kala Tagii Shaakir iyo Shukri Ma uusan Jarin Xariirkii Walaaltinimo ee Salmaan iyo Shukri Salmaan Waa u Xariirin Jiray Gabadha uu Furay Saxibkii Waliba Si Wanaagsan,oo Ay Jecleystay Shukri Xariirinta Wanaagsan iyo Dabeecada Macaan ee Salmaan Waxa uu Dareen Ku Abuuray Shukri oo Damaacisay Salmaan, Bun Hadii La Waayo Badalkiisa Ayaa La Helaa,

Shukri Waxa Ay Durba Dareenkeeda Ku Shubtay Una Bandhigtay Salmaan Asna Kama uusan Diidin ee Qalinka Ayuu Ku Duugay Mudo Kadibna Waxa La Wada Tagay Deegaanka Cagaaran Mar Kale iyo Guur Qudba Siro Ah , Cajiib Dunida Wax Walba Waad Ku Arkeysaa Guurka Wali Waxa uu Ku Socdaa Saaxada Qudba Sirada,

Shaakir Waa uu Ka War Haayaa Xariirka iyo Guurka Ugubka ah ee Dhaxmaray Xaaskiisii Hore iyo Saxibkii Salmaan Waa uuna Ku Faraxsan Yahay,

Shukri iyo Salmaan Waxaa Dhaxmaray Nolol Wanaagsan oo Ku Dhisan Farxad iyo Daacadnimo Wallow Aysan Is Guri Geysan,Dhanka Shaakir iyo Gabadhii Kale ee uu Xaaskiisa u Furay Waxa y Mareysaa Meel Dhaxe Shaakir Waxa uu u Bartay Qof Jacel oo Si Wanaagsan Ula Dhaqanta,Erayo Macaan u Isticmaasho,Balse Waxa uu u Yimid Qof KulKulul oo Dabeecad Adag Jixin Jix aan Aqoon,Waxa uu Ka Shalaayey Furiinkii Shukri, Nabsiga Waa Harka Labdiisa Galini Marba Dhan Ayuu Jiraa, Shaakir Waxa Ku Soo Laba Kacleeyey Jaceylkii uu Hore Isaga Indho Tirayey,Waxaa Hami Ka Galay Xaaska Saxibkii Horena uu u Xumeeyey Lkn Nasiib Daro Maxaa uu Sameyn Karaa Waxna Kama Qaban Karee.

Waxaaa Ku Yimid Isbadal Kii Ugu Xooganaa Waxa uu Wadi Waayey Casharadii uu Arada Siin Jiray,Isbadalka Ku Yimid Shaakir Waxa uu Murug Ku Noqday Saxibkii Salmaan oo Asaga Mar Walba Isku Dayi Jiray In uu Ogaado Waxa Isbadalka Ku Keenay Saxibkii,Lakin Shakir Waa uu Ka Dhaga Adeegi Jiray In Arintaa uu Saxibkiis u Sheego.

Salmaanse Kama uusan Harin Ilaa Saxibkii uu Ka Keeno Waxa uu Qarinayo Kama Dambeys Shaakir Waa uu u Sheegay Salmaan Markii Arinta Loo Sheegay Aad Buu Uga Naxay,Wax uu Sameeyo Ayuu Garan Waayey Ugu Dambeyntiina Waxa uu Qaatay Go,aan ah In uu Saxibkii u Furo Xaaskiisa,Waxa uuna Arinta Hor Dhigay Shukri Balse Aad Bey Ula Yaabtay Wax Ay Sameyso Ayey Garan Weyday Lkn Waxa ay Weydiisay In Xaaskiisa uu u Furay Saxibkii ?

Salmaana Waxa uu Yiri Haa Waxa uuna Raaciyey Sababta uu u Sameynayo Arintaa Ka Dambeys Salmaan iyo Shukri Waa ay Kala Tageen Waxaana Salmaan uu Ka Shaqeeyey In uu Mar Kale Isku Guuriyo Shaakir iyo Shukri Hadana Waxa ay Yihiin Reer Wada jira oo Carurna isu dhalay













_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog