Xildhibaano hor leh oo kasoo jeeda Puntiland oo ka dagay Garawe lana kulmay Madaxweyne Gaas (Daawo Sawirada)

Sunday, August 17, 20140 comments

Waxaa shalay Magaalada Garoowe ee Caasumada Maamulka Puntland soo gaaray qaar kamid ah Xildhibaanada Puntland ugu jira Dowlada Fadaralka oo uu dhawaan wada tashi ugu yeeray Madaxwaynaha Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.

Xildhibaanada soo ajiibay Codsiga madaxwaynaha ee shalay tagay Caasimada Puntland ayaa waxa ay tiro ahaan Gaarayeen 6-xildhibaan.

Markii ay ka soo dageen Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe ayaa waxaa wafdigaasi loo gudbiyay aqalka Madaxtooyada Puntland,waxana halkaasi ku qaabilay Madaxwaynaha Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.

Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo la hadlay warbaahinta ayaa Xildhibaanada uga mahadceliyay sida ay u soo ajiibeen baaqii uu ugu yeerayay xildhibaanada Puntland ugu jira Dowladda Fadaralka Soomaaliya .

‘’Aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay inaan halkaan ku soo dhaweeyo xildhibanadayadii Dowladda Fadaralka noogu jiray qaybta Saddexaad ee noo timo,waxana ay ka soo jawaaben codsigayagii ,Waxaanu ugu yeernay xildhibaanada wada tashi inaanu ka samayno xaalada Taagan iyo guud ahaan xaalada soomaliya ‘’Ayuu yiri Madaxwayne Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.

Madaxwayne Gaas ayaa Gabagabadii tilmaamay in War murtiyeed ay dowladu ka soo saarayso qodobada iyo Go,aamada ka soo baxa Kullanka wada tashiga ah ay Madaxda Dowladda Puntland la qaadanayan Xildhibaanada Puntland ugu jira Fadaralka .


















_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog