Ku-xigeenka ra’isul wasaaraha ahna wasirka diinta iyo awqaafta ee xukuumada Somalia Ridwaad Maxamed Xirsi ayaa sheegay in la xoojin doono howlgalada hub ka dhigista ah ee ka socda magaalada Muqdisho. Ridwaad Maxamed Xirsi ayaa sheegay iney dowladu ka warqabto garaashyo iyo dhismeyaal hub fara badan lagu keydiyey oo ku yaala magaalada Muqdisho, kuwasoo uu sheegay in maalmaha iyo saacadaha soo socda ay beegsan doonaan ciidamada dowlada.
“Dowladu duulaan kuma aha beel iyo shaqsiyaad gaar ah, waxayna xaq u leedahay iney qabato hubka sharci darada ah ee shacabka lagu gumaado” ayuu intaa ku daray Ridwaan Maxamed Xirsi.
Ku-xigeenka ra’isul wasaaraha ahna wasiirka diinta iyo awqaafta ee xukuumada Somalia Ridwaan Maxamed Xirsi ayaa intaa kub daray in howlgaada lagu ururinayo hubka sharci darada ah ay qeyb ka yihiin qorshaha xasilinta amaanka dalka.
Golaha wasiirada Somalia ayaa shalay isku raacay in la sii xoojiyo howlgalada ka dhanka ah hubka sharci darada ah, iyagoo mamnuucay, heysashada, isticmaalka iyo ka ganacsiga hubka sharci darada ah
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com