Ilo-wareedyo ka tirsan Hoggaanka sare ee Alqaacidada Somalia ee Alshabaab, ayaa inoo xaqiijiyay in Duqeyntii ay diyaaradaha Droneska Mareykanka ka geysteen Gobolka Sh/Hoose ay ku dhamaadeen in kabadan 11-Maleeshiyaad ka tirsanaa Hoggaanka Alshabaab oo xiligaasi u diyaar garoobayay Shir ay uga arinsanayeen la dagaalanka Dowlada Federaalka iyo AMISOM.
Ilo-wareedka ayaa inoo xaqiijiyay in Horjoogayaasha ku dhintay duqeynta ay kamid yihiin:-
1- Axmed Cabdi Godane (Dir,Isaaq –Arab)
2-C/qaadir Maxamed C/qaadir oo lagu naaneyso Cikrama
3- Xoghayaha Gaashaandhiga Farhan Mohamed Kaahiye (Habargidir Saleebaan.)
4-Bashiir Maxamed Maxamuud (Qoorgaab)+(Murusade) ahna La Taliyaha Axmed Godane
5- Cabdiraxman Xudeyfi (Dir gaar ahaan Gaadsan.)
6-Mahad Kartaay (Hawiye ,Habargidir Ceyr.) ahna Madaxa Amniyaadka waxa uu Saarnaa Gaariga ka dambeeyay in uu saarnaa Axmed Godane.
7- Xasan Xareed (Dir gaar ahaan Fiqi Muxumud) Amniyaatka Shabeelladda Hoose ahna Madaxa Mutafajiraatka.
8-Afhayeenka Hoowlgalada Al-Shabaab Cabdi Casiis Abuu Muscab (Daarood gaar ahaan Mareexaan) oo dhaawac Culus uu soo gaaray.
9-Axmed Cabd Godane (Isaaq), hogaamiyaha Shabaab.
FG: Illaa hadda lama xaqiijin karo Godane, laakiin reer galbeedka waxay lee yihiin wuu dhintay.
Dhanka kale, waxaa la soo sheegayaa in Tirada dhaawaca iyo dhimashada Maleeshiyada ay intaa kasii badan tahay balse Caasimada Online ayaa waxa ay il gaar ah ku heysaa dabagalka Horjoogayaasha ku waxyeeloobay weerarkaasi.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com