Bolatelli iyo Bush oo furay xujada biyaha barafka: DAAWO VIDEO

Wednesday, September 3, 20140 comments

Weeraryahanka xulka Talyaaniga Mario Bolatelli iyo Madaxweynihii hore ee Mareykanka George W. Bush ayaa kusoo biiray dadka caanka ah ee sameeyay ololaha wacyi gelinta cudurka amytrophic lateral sclerosis (ALS).

Mudooyinkan danbe ayaa baraha bulshada iyo warbaahinta caalamka si weyn u baahinayeen "Ice Bucket Challenge" oo ah xujo qofka laga doonayo in uu furo isagoo baaldi biyo iyo baraf lagu shubay isku gedinayo, ama in uu bixiyo deeq lacag dhan 100 Dollar taasoo qeyb ka ah wacyi gelinta cudurka halista ah ee Amytrophic lateral sclerosis (ALS) oo dadka qaba lagu taageerayo.

Bolatelli ayaa baaldi ku shubay biyo iyo baraf, kadibna isku gediyay, isagoo qeylinaya, waxaa sidoo kale xujadan sameeyay ciyaartoy caan ah sida Sulley Muntari and Michael Essien.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa horay u sameeyay xujadan, halka ay u dheeri tahay in uu bixiyay lacagta tabarucaadka.

Xujadan ayaa noqotay mid dareenka bulshada soo jiidatay, qof walbana uu isku daday in uu sameeyo, iyadoo ay ku baahinayaan baraha bulshada ku xiriirto.














_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog