Mareykanka oo xarun ay ka duulan Drones ka hirgaliyay Africa iyo Alqaacidada Africa oo lala damacsan yahay weeraro Culus.

Wednesday, September 3, 20140 comments

Warbaahinta Dalka Niger, ayaa daabacay warar sheegaya in Dowlada Mareykanka ay Xarun Ciidan ka furaneyso Dalka Niger.

Mareykanka ayaa la sheegayaa in Xaruntaasi uu kala dagaalami doono Ururarada Al-Qaa’ida ee ka jira Qaarada Africa.

Go’aanka lagu hergalinaayo Xarunta ayaa waxaa kala saxiixday Wasiirada Gaashandhiga Labada dal, waxa ayna labada Dowlada ee Mareynkanka iyo Niger isku afgarteen in Malitariga Mareynkanka diyaaradahooda aan cidi kaxeynin “Drones” ka duulaan magaalada Saharaha ku taalo ee Agadez,”sidaasi waxaa laga soo xigtay Saraakiil Mareynkan iyo Nigerian ah.

Warar hore u soo baxay balse aan la sii shaacin ayaa lagu sheegay in Pentagonka Mareynkanka xaruntiisa Labaad ee la dagaalanta wuxuu ugu yeeray argagixisada uu ka furto Niger halka hadii uu mid sedexaad uu damac kaga jiro gobolka u qeybiyo.

Ujeedka Xarunta Cusub, ayaa waxaa lagu sheegay inuu yahay sida ay Dowlada Mareykanka usii laba jibaari laheyd la dagaalanka Alqaacidada kusii xoogeysanaaya Dalalka Africa.

Dhanka kale, Ujeedka xaruntaasi ayaa waxaa qeyb ahaan doona beegsida Xoogaga Alshabaab ee ka dagaalanta Somalia iyo qeybo kamid ah dalalka dariska la ah. 













_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog